Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Reer Djibouti

0
1010

Picture2Hargeysa (Geeska) Madaxweynaha Somaliland ayaa tacsi u diray madaxweynaha dalka Jabuuti, ehelka iyo qaraabada iyo guud ahaan shacabka dalkaasi geeridii ku timi Alle ha naxariistee gudoomiyhii baarlamaanka dalka Jabuuti marxuum Idiris Arnoud Cali oo khamiistii geeriyooday. Sidaas waxaa uu madaxweynuhu ku yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Golaha Barlamaanka Jabuuti, Dawlada aynu walaalaha iyo jaarka nahay ee Jabuuti, iyo Shacbigeeda oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid, Alle ha u naxariistee Gudoomihii barlamaanka Jabuuti Marxuum Idiris Arnoud Ali oo geeriyooday.

waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Madaxweynaha Dawlada Jabuuti, Golaha barlamaanka, guud ahaan laamaha dawlada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  reer Jabuuti ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo masuulkaasi ka baxay ummadda Jabuuti. 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Naasir Yuusuf  Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada  JSL.