Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Beelaha Ciidagale oo Qaadacay Qorshaha Diiwaangelinta Madaniga ah

0
636

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Ku: Axsaabta Qaranka Somaliland. Ku: Cidkasta oo daneenaysa Nabada Iyo Horumarka Somaliland.Og: Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Gudiga Diiwaan-Gelinta

Horudhac. Diwaan-gelinta madaniga ahi waxa ay muhiim u tahay in la sugo aqoonsiga muwaadinka, qorshaynta adeegyada bulshada, jaangoynta barnaamijyada iyo siyaasadaha horumarineed. Diwaan-gelintu waxa kale oo ay fure u tahay in ay helaan muwaadiniintu xuquuqdooda siyaasiga ah oo ay kaga gedisan yihiin dadka ajaanibka ah ee dalka la degen.

Hasa yeeshe’e, Nidaam ka dawladu hadda u qorsheysay Diiwaangelintu waa nidaam aan caddaalad ku dhisnayn oo si badheedh ah loogu talagalay in lagu dulmiyo xuquuqda muwaadiniin gaar ah oo keenysa khal-khal siyaasadeed iyo mid amniba. Beesha Ciidagele waxay daadafaynaysa qorshaha ay Diiwaan-gelinta u dejiyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Diiwaan-gelintu sabaha soo socda awgood:

Diiwaan-gelinta madaniga ah ee hadda la wado waa mid si badheedha loo siyaasadaynayo oo bulshadeena qayb ka mid ah la rabo in tiradooda hoos loogu dhigo si mustaqbalka saamiga adeegyada bulshada, mashaariicda horumarinta iyo waliba ka qayb-qaadashadooda dhinaca siyaasada iyana loogu wiiqo.  Tusaale ahaan, Qorshaha shan-ta degmo ee Hargeysa ee lagu saleeyey hadda Diiwaan-gelintu meel uu ku salaysanyahay majiro; maxaayeelay waa in lagu saleeyo afar-tii degmo ee maamulkii Siyaad bare laga dhaxalay AMA siddeeda degmo ee Golaha Deegaanka ee sida sharciga ah lagu soodoortay ansixiyeen. Hargeisi waxa ay ka koobnayd afar waaxood xiligii dawladii Siyaad Barre halka degmeda Ibraahim Koodbuur uu ku daray Maxamed Xaashi Cilmi. Waxa iyana xusid   mudan in Golahii Deegaanka ee la soo doortay uu ku kordhiyay saddex degmo oo kala ah: Maxamed Mooge, Macalin Haaruun iyo Sheekh Cumar oo ka dhigaysa tirade guud sideed degmo. Haddaba waxa ay su’aali ka taagan tahay sababta guddida diiwaan-gelintu uga tagtay saddex degmo oo Gole Deegaan oo la soo doortay magacaabeen.

Beesha ciidagale cid ku meteshaa ma jirto guddida diiwaan-gelinta (steering committee-ga iyo task force ka midna) waana midda keentay in lagu jiifsado beesha marka la eego tirada goobaha diiwaan-gelinta loo qorsheeyay iyo goobaha ay ka dhigeen intaba.

Degmada Salaxley oo ay hoosyimaadaan in ka badan 30 tuulo ahna degmada ugu ballaadhan degmooyinka hoosyimaada gobolka Marooji-Jeex ayaa si ula kac ah loogu yareeyay tirada goobaha diwaan-gelinta. Waxa yaab leh sababta guddida diwaan gelintu ugu sed-buriyeen degmooyin darajadoodu ‘D’ tahay oo aan gole degmo oo la soo doorta lahayn lana siiyay tiro ka badan inta loo qoondeeyay degmada Sallaxley.

Diwaan-gelinta madaniga ah ee dalka la rabo in laga fuliyo waa mid aan lahayn sharciyad barlamaanku ogolaaday, waa ta keentay in sida ay doonaan xubnaha guddida diwaan gelintu u jaangooyaan rabaanna in ay sida ay doonaan u maamulaan.

Waxa iyana xusid mudan in barnaamijyada iyo siyaasadda dawladu ay dhan ka raranyihiin oo aanay habayaratee aan  wax tixgalin ah la siinin beesha. Tusale, hagardaamada joogtada ah ee  arrinta biya balaadhinta, Jaangoyntii cadaalada darada ku dhisnayd ee tirakoob-kii wasaaaradda qorshayntu hormuud ka ahayd iyo saami qaybsiga  siyaasadeed iyo arrintan diiwaangelinta Madaniga ee maantuba waxay marag ka yihiin siyaasad qaawan oo badheedha oo ka dhan ah beesha oo ay caadaysatay xukumada kulmiye

Caddaalad darradu waa sababta dawladnimadda ragaadisa kana dhigta mid aakhirka guul-daraysata. Maanta geyiga Somaliland waxa ka muuqda saansaan aad u foolxun oo ay keentay caddaalad xumada jirtaa. Waxa wax lagu cibro qaata inoogu filan sida foosha xun ee loo fogeeyay walaalaheena barriga Somaliland dega oo halkii siyaasad toolmoon oo wax ka qabata cabashooyinkooda iyo sed-bursiga jira laga hirgelin lahaa loogu bedelay in xabbad iyo dagaal xal la moodo. Waxa iyana xusid mudan dhawaqyadda saluugsan saami qaybsiga maamulka dawladeed ee ka soo yeedhaya beelaha galbeed-ka Somaliland oo horseedi kara kacdoon dadweyne hadaan xukumadda maanta jirtaa ka waantoobin iska indho tirka badheedhka ah ee ay ku hayso Bulshadeeda mana ku koobnaan doonto oo keliya cidhifyada somaliland.

Gebogebo:

 

Beesha Ciidagale waxa ka go’an in aannay ka dhici doonin diiwaan-gelintan dhinac ka rarani dhammaan dhulka Beeshu degto.

Haddii Dawladdu isku daydo in ay ka fuliso diiwaan-gelinta madaniga ah deegaanka Beeshu degto iyadoo la raacayo habka hadda wax loo qaybiyay, waxaanu ogeysiinaynaa in dawladdu masuul ka noqon doonto cawaaqib xumada ka timaada.

Waxaanu ugu baaqaynaa dhammaan cuqaasha, madaxda degmooyinka iyo wax-garadka in ay is hortaagaan oo aanay ogolaan in la marsiiyo diwaan-gelinta madaniga ah.

Waxaanu ugu baaqaynaa axsaabta qaranka iyo Gole yaasha sharci dejinta in ay is hortaagaan diiwaan gelin aan xeer sharci ah lahayn  oo horseeedi karta mushkilado hor leh iyo khal-khal siyaasadeed iyo mid amniba.

Allah Ayala mahadleh.

Hoos ka dhugo nuqul Ku saabsan xogta goobaha logo qorsheeyey diwaangelinta madaniga

 

Golaha dhalinyarada iyo aqoonyahanka beelaha ciidagale.