Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Kooban Uga Hadlay Wasiirada Is Casilay

0
538

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa si kooban uga hadlay wasiiradii iska casilay xukuumadiisa.

Madaxweyne Siilaanyo oo u waramay BBC, ayaa yidhi  “Iscasilaadda waxaan u arkaa dadku hadday maamulka dawladda jirta iyo madaxnimada la socon kari waayaan inay iscasilaan xaq bay u leeyihiin, dawladduna isku adkayn mayso ee inshaa Allah halkoodii dad kale uun baa galaya,” ayuu yidhi Madaxweynuhu. Madaxweynaha oo sii hadlaya waxa uu yidhi “ Dawladdu waa madaxtooyo,waxaa xukuma madaxweyne, wixii la socon kari waaya ee la jaanqaadi kari waaya maamulka jira iyo duruufaha dalka ka jira, dee ha iscasilaan haddayd oonayaan oo ha iska tagaan halkoodiina dad kale uun baa galaya,” ayuu yidhi Madaxweynuhu. Madaxweynaha waxaa la waydiiyay inuu dhex ka yahay loolanka Kulmiye “Eedaas la ii soo jeediyay waxba kama jiraan, anigu cid aan garab siiyay ma jirto, arrintaas golaha dhexe ayaa leh, xisbigu qaab buu leeyahay oo sharciyad buu leeyahay, markaa cida golaha dhexe halka uu maro ee xisbigu maro uun baan marayaa,” ayuu yidhi madaxweynuhu. Madaxweynuhu wuxuu ka gaabsaday musharaxnimada Kulmiye, waxaanu sheegay inuu aqbalayo cidii goosata inay iska tagto, dalkana ay joogaan dad badan oo diyaar u ah shaqada qaranka.