Samaale Iyo Kijaandhe Oo Farriimo Kulul Hawada U Mariyay Madaxweyne Siilaanyo

0
674

Picture5Hargeysa(Geeska)-Labada murashax ee xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inuu murashax gaar ah oo ka mid ah murashixiinta KULMIYE ee tartamaysa si gaar ah u garab istaagayo.

Labadan murashax oo shalay ka hadlay madal ay xubno wasiiro ahi kaga dhawaaqeen inay iska casileen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxay sheegeen inay ka xun yihiin go’aanka Madaxweyne Siilaanyo uu ku taageerayo guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Ugu horayn xildhibaan Kijaandhe, ayaa yidhi  “ Waxaan aad iyo aad uga xumahay shirka xalay lagu galay Madaxtooyada ee la leeyahay nin kaliya ayaa xisbiga loo xidhay ee doorashadii xorta ahayd ee xalaasha ahayd musharax gaar ah loo xidhayo,” ayuu yidhi Kijaandhe.

Wuxuu Kijaandhe intaas raaciyay, “Arrinkaasi waa mid aad iyo aad xanuun igu leh oo aanan filayn, Madaxweynaha si dimuqraadi ah ayaa loo doortay ee waxa weeye inuu si dimuqraadi ah kaga dego, arrin aan ka filayay Axmed iyo reerkiisa muu ahayn, waan arrin kufsi ku ah dimuqraadiyadda, dalkuna wuxuu marayaa maalmihii ugu xumaa, waxaanan u baahanahay inaan u gurmano. Waxa laga yaabaa Axmed iyo qoyskiisu inay is leeyihiin nin ayaad dhisaysaan laakiin dalkay duminayaan. Waa in laga qabto, waana dal dumis.” Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isna yidhi  “Sida go;aan ka soo baxay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo sheegayo dalka inaan doorasho dambe laga qabanayn ama xisbiga Kulmiye ee doorashadu ka dhici lahayd aanay doorasho ka dhacayn…markaan iska casilayay wasaaradda waxbarashada waxaan il dheer ku arkayay waxa madaxweynaha ka soo socda, waxaan arkayay digtaytar nimada ka soo socota Madaxweynaha,”

Samaale wuxuu intaas raaciyay, “Dalku waxa uu u gudbay nidaamka axsaabta badan waxaana dalka isaga kala dambeeyey afar madaxweyne, oo labadii Madaxweyne ee ugu dambeeyey ee ay ku yimadeen Doorasho xor ah oo xalaal ah, waxa nasiib daro ah Maanta oo aan shir jaraa’iid ee aan qabanayo in Madaxweynaha dalka Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), uu ka soo baxay go’aan sheegaya in dalka aan Doorasho laga qaban karin, ama Xsbigii Kulmiyhe ee doorashadu ka dhici lahad, ee aanu ahayn musharixiintiisa aniga walaalkay Axmed Kijaandhe, oo agtayda  jooga, Walaalkay Maxamed Biixi Yoonis, iyo Rag kaleba, go’aan ka so baxay Madaxtooyada lagu diidan yahay tartankii oo Xisbigii Qof loo xidhayo, arintaas oo todobadii bilood ee ugu dambeeyey ama Sannadkii ugu dambeeyey soo socotay, oo maalinba meel soo joogsanaynsay ayaa Xalay (Habeen hore), Madaxweynuhu go’aan ku gaadhay in XIsbigii in tartankii Xisbigii ee furnaa uu xidhay, oo uu XIsbigiina uu MUsharax ka yahay qof keliya, oo uu isagu calmaday”.

Cabdicasiis Samaale ayaa isaga oo ka hadlay munaasibadii ay dhawaan qabteen ayaa  yidhi “Sidii Maalintii Sabtida ahayd aniga iyo walaalkay  Kijaandhe, walaalkay Maxamed Biixi Yoonis ,aanu ku qabanaya Caasuumada Hotel Guuleed, inaad ogeydeen In Tikniko iyo RRU la galiyey  Hudheelkii aanu ku sameeynay Qadada oo Mansoor ahaa oo markii dambe Guuleed Hotel lanagaga daba yimid, oo aad ogeydeen inay dirqi Raggu ku baxeen,oo la noo diiday in aanu si xoriyad ah ku hadalno, halka maalin walba Madaxweynaha ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Xisbigu ay qado beelaysan kaga qabanayeen magaalada iyo dalka ka qabanayeen, walaalayaal waxa aad ogeydeen in aanu anagu sabirnay oo Tikniko RRU lana galiyey, wixii oo dhan inta laga soo gudbay ayaa Madaxweynaha Qaranku si qoys ayuu xalay [habeen hore] Shir ugu galay Madaxtooyada, isaga oo leh dalka Taangi, Dabaabad iyo RRU ayaa lagu xukumi doonaa aniga dabaday, Doorashadii waan xidhay, Dimuqraadiyadiina waan xidhay, XIsbiga Kulmiyena shaqsi buu u xidhan yahay.”