Dr. Maxamed Cabdillaahi Oo Noqonaya Wasiirka Khaarajiga

0
505

Picture3Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa la filayaa in loo magacaabo wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah oo uu baneeyay Maxamed Biixi Yoonis oo shalay is casilay.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay inay madaxtooyada Somaliland la xidhiidhay Dr. Maxamed oo ku sugan dalka Kenya, lana filayo inuu Arbacada beri  soo gaadho caasimadda Hageysa, markaas oo loo magacaabi doono xilkii uu Madaxweyne Siilaanyo hore uga qaaday.