Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay Inay Xukuumadiisu La Shaqaynayso Genel Energy Iyo Su’aalaha Ku Xeeran Soo Noqoshada Shirkadaas

0
481

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay inay xukuumadda Somaliland ka go’antahay sidii ay ula shaqayn lahayd shirkadda Genel Energy, oo sheegtay inay dalka dib ugu soo laabatay.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa kulan uu Arbacadii la yeeshay wefti sare oo shirkadaas ka socday ka dib, waxa bartiisa twitterka lagu baahiyay inay Somaliland ka caawinayso shirkaddaas sidii looga dhabayn lahaa hirgelinta baadhista shidaalka.  “Somaliland waxa ka go’an inay la shaqayso Genel Energy.” Ayuu ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo qoraalkaas kooban, waxaanu intaas raaciyaym, “Somaliland waxay ka caawin doontaa fududaynta iyo damaanad qaadka dhammaystirka mashruucan balaadhan.”

Geesta kale,  Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay bilaabayso wacyi-galin baahsan oo ay ku doonayso inay shacabka kaga dhaadhiciso Muhiimada hawlaha shidaalka lagaga baadhayo Gobollada bariga Somaliland.

Wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa hadalkan sheegtay ka dib markii shirkaddii baadhista shidaalka ee Genel Energy dalka ku soo laabatay 20-kii bishan November isla-markaana Madaxa shirkaddaasi Mr Tony Haward uu kulan qasriga Madaxtooyada kula qaatay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), halkaasi oo la iskula meel dhigay in shirkadda Genel Energy ay dib u bilowdo hawlihii baadhista ama sahaminta shidaalka Somaliland.

Wacyigalinta la xidhiidha muhiimada baadhista shidaalka Somaliland ee lagu sheegay hadal uu wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale jeediyay, ka dib kulankii Madaxwaynaha iyo Mr Tony Haward, ayaa ilo-wareedyo kale Geeska Afrika u sheegeen in shirkadda Genel Energy ku bixinayso Malaayiin doolar, si dadka deegaanada baadhitaanka shidaalku ka socdo loogu qanciyo inay doorkooda ka qaataan ilaalinta nabadgalyada deegaanadooda hawshu ka socoto si aanay mar dambe u dhicin in shirkaddu dalka ka baxdo. Laakiin waxaan cadayn sida loo maamuli doono mashruucaas wacyigelinta ah oo haddii sidii loo maamulay mashaariicdii hore ee Genel Energy loo maamulo ay ceebi ka iman doonto.

Inkasta oo  madaxda Genel Energy Mr. Tony Haward iyo Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka macdanta Xuseen Ducaale, shir jaraa’id oo ay xarunta Madaxtooyada ku wada qabteen kulanka Madaxwaynaha ka dib haddana waxa la diiday in gebi ahaanba wax su’aalo ah la weydiiyo madaxda shirkadaas. Waxaana si cad loo diiday su’aalihii la weydiin lahaa oo ay saxafiyiintu diyaar ugu ahaayeen. Qaabka loo samayn doono wacyigelintaaas iyo cidda maamuli doonta ayaa ah su’aal la doonayay inay madaxda Genel Energy ka jawaabaan oo ay bulshada u faahfaahiyaan, maadaama oo ay ku jirtay hadalka wasiirka macdanta.

Su’aalaha u baahan in jawaabo loo helo waxa ka mid ah, bal inay run tahay eedo ay hore xubno wasiiro Somaliland ahi ugu jeediyeen dawladda Somaliya oo ah inay ka dambaysay bixitaankii shirkadda. Waxa loo baahnaa in madaxda shirkada la weydiiyo bal in bixitaankoodu salka ku hayay cadaadis kaga yimid dawladda Somaliya amaba inay u baxeen arrimo siyaasadeed oo kale.

Si kastaba ha ahaate su’aalaha ay diideen madaxda Genel Energy iyo wasiirada xukuumadu, waxa ka dhashay su’aalo badan, waxaanay bulshadu u baahantahay tafaasiil la xidhiidha soo noqoshada shirkadan iyo qaabka lagu xaliyay sababihii keenay inay shirkadu dalka ka baxdo.