Dagaal Diblomaasiyadeed Oo Shalay Ka Dhex Qarxay Wadamada Masar Iyo Turkiga

0
566

Dagaal diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay dawladaha Masar iyo Turkiga oo labaduba dib ugu yeedhay safiiradoodii.

Dawladda Masar ayaa amartay safiirka Turki inuu ka baxo waddanka iyo in la dhimo xidhiidhka dimlomaasi ee labada waddan, iyadoo ka soo horjeeda taageerada Turki ee madaxweynihii xukunka laga qaaday ee Maxamed Morsi.

Wasaarada arrimaha dibadda, ayaa cambaaraysay baaqii ugu danbeeyay ee Raiisalwasaaraha Turki Recep Tayyip Erdogan uu ku baaqay in la sii daayo Mr Morsi. Waxay sheegeen in hadalkiisa uu muujinayo ka soo horjeed waxa ay rabaan dadka reer Masar. Iyagoo sidoo kale ku eedeeyay inuu farogelin ku samaynayo siyaasadda gudaha ee wadanka Masar. Waxaanay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar sheegtay inay go’aamisay in safiirka Turkigu uu dalkooda sida ugu deg dega badan uga baxo.

Dawladda Turkiga ayaa inkastoo aanu dalkeeda dawladda Masar u joogin wax safiir ah, haddana waxa ay qaadatay inaan looga baahnayn safiir Masri ah wadanka Turkiga. Labadan wadan ayaa bishii August ee sannadkan uu ka dhex qarxay dagaal dhinaca diblomaasiyadda ah oo sababay in dal waliba uu u yeedho safiirkiisa dalkaas kale u joogay. Laakiin safiirka Turkiga u qaabilsan Masar ayaa bishii September ku laabtay Qaahira, halka safiirka Masar u joogay Turkigu aanu dib u noqonin.

Raysalwasaaraha Turkiga ayaa Jimcihii soo cusboonaysiiyay baaqyada dawladiisa ka soo yeedha ee ay ku dalbanayso in xabsiga laga sii daayo Madaxweynihii talada laga tuuray ee Masar Maxamed Xusni Mubaarik.