Guddiga Doorashooyinka Oo La Qorsheeyay Inay Golaha Wakiilada Hortagaan 21-ka Bishan April

0
480

Picture6Hargeysa (Geeska)-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa loo qabtay inay 21-ka bishan April hortagaan golaha wakilada Somaliland si su’aalo looga weydiiyo qorshayaashooda hawlaha doorashada iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha.

Shirguddoonka golaha wakiilada ayaa 6 April qoraal u diray guddiga doorashooyinka si ay u hortagaan golaha wakiilada si ay uga warbixiyaan halka ay hawluhu u marayaan. Hase yeeshe guddiga doorashooyinka qaranka ayaa qoraalkaas 6 April ee shirguddoonka wakiilada kaga soo jawaab celiyay in la siiyo laba toddobaad maadaama oo ay mashquul ku yihiin hawlihii loo xilsaaray.

 Waxaanay shirguddoonku ugu dambayn toddobaadkan komishanka doorashooyinka u gudbiyeen qoraal ay ugu cayimeen inay 21 bishan horyimaadaan golaha wakiilada, halkaas oo ay warbixin kaga siin doonaan halka ay arrimuhu u marayaan iyo qorshayaashooda.

Shacabka Somaliland ayaa labadii bilood ee u dambeeyay u dheg taagayay wakhtiga ay guddiga doorashooyinku u cayimi doonaan doorashada madaxtooyada oo qorshaysnayd inay qabsoonto 26 June 2015 balse uu muuqdo ifaafale ah inaanay doorashadu wakhtigaas ku qabsoomayn.