“Mudaharaadku Dhaqan Kulmiye Ayuu Ahaa Madaxweynaha Ayaana Horkici Jiray Anaguse Horkicimayno”

0
3581

 

Picture3Hargaysa( Geeska )- Wasiirkii hore ee wasaarada war faafinta Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa mudaharaadada iyo rabshadaha ku tilmaamay dhaqan uu lahaa xisbiga haatan talada dalka hayaa, waxaanu si adag u sheegay in loo baahan yahay in lays toosiyo, waxaanu ku eedeeyay xukuumada eex, boob iyo qaraabo kiil.

Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlaayay xaflada loo qabtay maalinta hub ka dhigta ee SNM, ayaa sida oo kale xafladaas ka soo jeediyay hadalo uu ku gar naqsanaayo, waxaanu sheegay in aanay ogalaanayn in cidina ku ciyaarto dalkan. Waxaanu ku bilaabay Boobe hadalkiisa sidan  “ Dadka qaar waxay moodaan marka xukuumada iyo madaxweynaha laga hadlaayo in la naceb yahay ama la caayaayo ama la duminaayo, magaaaldan dhulkay taalay oo waxii ay dadku laahaayeen ee qoys waliba 140 sano soo kaydsanaayay maalintiibaa laga dhaqaaqay, dadkii dhintay iyo mood iyo hanti waxii la waayay waxa laga hayaa waa daartan madaxtooyada iyo hadba cidii fadhida shalayna midbaa fadhiyay maantana midbaa fadhiya baritoolana mid baa fadhiisan doona, cidina ma rabto madaxtooyadani inay intii dhimatay raacdo, waxaanu rabanaa inay wanaagsanaato oo ay ka soo hadho.” Boobe oo hadalkiisa sii wataa  “ Haddii aanu soo hadal qaadno kuwa wax duminayaa anaga maaha waa tuugta meesha ku jirta, anaga ayaa nala’la yaabayaa oo la leeyahay maxuu waxaas u sheegayaa maxuu  u qoray, kuwa loogu  hadal haynta badan yahayna  waan ka mid ahay, laakiin maxuu wax u xaday, maxuu u eexday, maxuu qaraabo  kiilka u sameeyay lagu odhan maayo, markaas cid xabad loo qaadanayo iyo cid lagu mudaharaadayaa midna ma jirto, mudaharaadkuna dhaqan Kulmiye ayuu ahaa madaxweynaha ayaana horkaci jiray anagu hor kaci mayno, waayo waxaanu garanaynaa hadii aanu nidhaahno mudaharaada in aan islaanta yar ee gobka iyo tamaadhada iibinysa aan la dhaafayn ee lagu hurgufaayo, dhaqankii lagu mudaharaadi jirayna ma jiro. Markaanu ka hadlayno waa wax  toosin,waa waxayagii kii shalay joogayna anaga ayaa lahayn ilaa Cabdiraxmaan Tuur anagaa lahayn kuwa soo socdana anagaa leh, waa dhiigayagii iyo dheecaan kayagii laakiin ma ogalin inay cidi ku ciyaarto.”

Boobe waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanday “ Midi marka uu idaacada iska soo fasdhiisto oo uu yidhaahdo  Mj. Xasan Ciise ayaan Hargaysa ka ilaalinayaa, markaas wax lagu wada hadlayaa meeshaas mayaalaan, in aynu is xaqdhawrno weeye, ka wasiirka ahi marka uu maanta ka dago dadku baritoole waxay ku odhanayaan waa wasiirkii, haday  hudheel soo galaan oo ay faraxalanayaan waxa ay odhanayaan u baneeya wasiirku ha faraxashee, anagaa nalagu yidhaahdaa imika xilna ma hayno, markaas umaddu iyada oo sidaas u qadarinaysa  kii gudoomiyaha ka noqday ee madaxweyne ku xigeenka ka noqday ee tobanka sano dagaalamaayay ee jab iyo hoogba u soo maray  marka mid aan waxba ahayni uu yidhaahdo nabadaan ka ilaalinayaa markaas waynu isku jabaynaa.”