Saleban-Xaglatsoosiye Oo Xalay Ka Hadlay Qorshihiisa Uu Hargeysa La Yimid, Kuna Dhawaaqay Inay Colaadii Gobalada Bari Dhammaatay

0
509

 

saloHargaysa( Geeska )- Saleebaan Ciise Xagla-Toosiye, ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay inay soo afjareen colaadii gobalada bar ee Somaliland, waxaanu sheegay in xukuumadu ay ka aqbashay qodobadii furaha u ahaa nabada oo ay  sii daysay maxaabiistii daagalada lagu qabtay, isla markaasna ciidamadii furimaha dagaalka dib loo soo qaaday.

Saleebaan Xaglatoosiye waxa uu arimahan ka sheegay kulan uu xalay la qaatay ardayda jaamacadaha Hargaysa dhigta ee ka soo jeeda deegaanada Bariga Somaliland, waxaanu ku celceliyay In nabada  la ilaaliyo dadaalna lagu baxiyo, isaga carabka ku dhuftay inay deegaanada bariga Somaliland ay u bilaabmeen wakhtiyo ifaaya.

Waxa uu Saleebaan Xaglatoosiye khudbad uu halkaas ka jeediyay ku yidhi “ Anagu halkan waxaan u nimid  barnaamijka nabada Allena isagaa mahadleh ee waan ku guulaysanay, waxaan uga mahadnaqayaa halkan dhamaan intii isku xilqaantay ee hirgalisay barnaamijkaas, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa xukuumada iyo madaxweynaha Somaliland oo si geesinimo leh go’aankaas dhaxalgalka ah ee keeni kara horumarka iyo wada jirka buuxa qaatay. Waxaan dhalinyarada ugu baaqayaa nabadaas la gaadhay inay ilaaliyaan, maadaama nabadu tahay iyaga rajadoodii iyo mustaqbalkoodii. idinka ( Dhalinyarada jaamacadaha ee gobalada bari )  waxaan idinku marti qaadayaa inaad timaadaan deegmaadaas colaadoodii la soo afjaray inaad ku wareegtaan inaad wacyigalin buuxda siisaan dhalinayda halkaas joogta iyo inaad ugu baaqdaan, waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan.” waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi Xaglatoosiye “Waxaan soo afjarnay oo dhammaatay wakhtiyadii colaada ahaa ee deegamadaas ka jiray, waxa bilaabmay wakhtiyo wanaagsan oo iftiin leh, Allena waxaan ka baryayaa inaan xabad danbe ka dhacin deegaamadaas oo aan dhiig danbe ku daadan waa dad ehel ah oo wada dhashay oo aan sina ku kala tagayn, waanan ku faraxsanahay in hawshaasu dhammaatay.”

Ugu danbayntii waxa uu Saleebaan Xaglatoosiye hadalkiisa ku soo xidhay  “Qodobadii ahaa furaha nabadana waa la wada qaatay waana lagu wada heshiiyay, si ficilana way u socotaa hirgalinteedu hadda,  oo maxaabiistii waa la sii daayay, aagagii dagaalkana waa la baabiiyay ciidamadiina waa la qaaday, waa bil Ramdaan oo barakaysan Alle ayaana wata arinta si wacana way u dhamaatay waana inaad taageertaan oo aad ilaalisaan nabadaas oo aanay mar danbe inaga xumaan ayaan idiin soo jeedinayaa.”

Ardaydan  jaamacadaha ka dhigata Hargaysa ee ka soo jeeda bariga Somaliland ayaa hogaamiye Saleebaan Xaglatoosiye ku hanbalyeeyay hanaanka nabadraadinta, waxaanay balan qaadeen inay si cad uga horiman doonaan cidii ka hortimaada dedaalka nabada ee la waddo.

Waxa isna halkaas ka hadlaya la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada Cabdinajax Siyaad Cabdi, oo soo dhaweeyay heshiiska nabadeed ee hirgalay.