Dahabshiil Group Oo Sheegtay In Xiddiga Hantiyay Baabuurka Gool Dhalinta Laga Sugayo Wasaarada

0
549

Picture2Hargeysa (Geeska)-Shirkada Wadaniga ah ee Dahabshiil Group oo hore u soo bandhigtay abaal-marinta qaaliga ah ee la gudoonsiin doono ciyaartoyga ugu goolasha bata tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland oo maalintii Jimcihii lagu soo gunaanaday garoonka weyn ee Hargeysa Stadium, ayaa shaaca ka qaaday in Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha laga war sugayo laacibka ay u garato inuu isagu ku guuleystay abaal-marintan.

Abaal-marintan oo ah gaadhi noociisu yahay Taxi Crown ayaan weli Wasaarada Ciyaaruhu shaacinin ciyaartoyga calfan doona gaadhigan, iyadoo aanay jirin cid si gaar ah loogu tilmaamay inuu yahay laacibka ku guuleystay. Iid Muuse Muxumed oo ka mid ah Masuuliyiinta shirkada Dahabshiil Group ayaa sheegay inaanay weli jirin ciyaartoy si toos ah loo shaaciyay oo la gudoonsiiyay ama la gudoonsiin doono abaal-marintan gaadhiga ah, waxaana hadaladiisi ka mid ah “Anagu haddii aanu nahay Shirkada Dahabshiil Group sidii aanu hore u balan qaadnay waxaanu gaadhiga ku wareejinaynaa Wasaarada Ciyaaraha maalinta Isniinta oo xaflad weyn la qaban doono, mana jiraan wax aanu anagu cid siinay waxaana xaq u leh go’aankaas Wasaarada Ciyaaraha oo gudoonsiin doonta laacibkii ay iyagu u gartaan, laakiin anagu sidii quruxda badabadnayd ee aanu horeba u balanqaadnay ma jirto wax balantayadii iska bedalay oo gaadhigii ka shirkad ahaan waa naga diyaar”

Sidoo kale waxa uu Masuulkani tilmaamay inaanay waxba ka jirin warar mareegaha qaar ay qoreen kuwaas oo sheegayay in ciyaartoy uu ku guuleystay abaal-marintan, waxaana uu sheegay in laga war sugo Wasaarada Ciyaaraha oo iyadu go’aanka ugu dambeeya leh sheegaysana xiddiga ku guuleystay.

 Ilaa hada ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay Wasaarada Ciyaaraha kuwaas oo sheegaya ciyaar yahanka ku guuleystay abaal-marinta. Dhanka goolal dhalinta waxaa ugu horeeya oo min 4-gool leh ilaa iyo hada saddex ciyaartoy oo kala ah Cabdiriyaad oo u ciyaara Gobollka Maroodi-Jeex oo xulkiisu soo gaadhay kulanka Finalka kuna guuleystay koobkii, Amiin oo isna afka hore ee weerarka uga ciyaarayay xulka Gobollka Daad-Madheed oo ku hadhay Wareega sideed dhamaadka Quarter Finalka, iyo Maxamed Siikaawi oo u ciyaarayay xulka Gobollka Sanaag oo xulkiisu ku hadhay wareegii koowaad ee Group-yada.