Ismaaciil-Yare Oo Qorshaynaya Inuu Diiwaangeliyo Urur Siyaasadeed Cusub

0
766

 yare

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare), ayaa qorshaynaya inuu diiwaangeliyo urur siyaasadeed cusub oo uu guddoomiye u yahay.

Ururkan cusub ayaa la sheegay in lagu magacaabo Ururka nabadda iyo horumararinta ee DALSAN (Peace and Development party..PDP), waxaana suuqyada Hargeysa qaarkood lagu arkayaa boodhadh iyo calaamado uu ururkaasi leeyahay oo lagu dhejiyay baabuur kala duwan. Ismaaciil Aadan Cismaan, ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inuu ururkaas cusub diiwaangelin doono marka uu Madaxweynuhu magacaabo guddiga diiwaangelinta ururada. Wuxuu sheegay inay ururkan DALSAN ku jiraan qaybo badan oo ka mid ah bulshada Somaliland kuwaas oo uu sheegay inay ka soo kala jeedaan gobalada kala duwan ee dalka.  Ururkan DALSAN oo xafiis ka furtay badhtamaha Hargeysa ayaa la filayaa inuu dhawaan qabsado shirkiisii aasaaska ee u horeeyay.  

Siyaasiyiin kale oo uu ku jiro Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa iyaguna la filayaa inay ku dhawaaqaan ururo cusub oo u baratama inay ka mid noqdaan xisbiyada qaranka.