Agaasime Waaxeed Dareen Murugo Leh Ku Cabiray Dhib Ka Qabsatay ilmihiisii Oo Dalka Ka Tahriibay

0
569

Picture5Hargeysa (Geeska) – Tahriibka dhalinyarada oo bilihii u dambeeyay aad kor ugu kacay Magaalooyinka Somaliland, ka dib markii sida la wariyey ay iskaashatooyin Tahriibinta dhalinyarada ka shaqeeyaa ka dilaaceen Magaalooyinka Hargeysa iyo Wajaale, ayaa hadda Tahriibkaasi waxa uu u gudbay isla-markaana uu saamayn ku yeeshay dhalinyaradii ku jirtay dugsiyada sare iyo Jaamacaddaha.

Dugsiyada sare ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa si isdaba jooga ah uga baxaya dhalinyaro, kuwaasi oo badankoodu dalka ka baxay sida laga soo xigtay Maamulayaasha dugsiyada Caasimadda, waxaana labadii toddobaad ee u dambeeyay dalka ka Tahriibay dhalinyaro aan la qiyaasi Karin, kuwaasi oo ay karkaarka waydaariyeen kooxaha ka shaqeysta tahriibinta dhalinyarada oo aan ilaa hadda xukuumaddu u maari helin inay wax ka qabato.

Tahriibka ayaan ku koobnayn dhalinyarada ka soo jeeda qoysaska danyarta ah, balse waxa uu u gudbay dhalinyarada qoysasdkoodu aanay nolosha ka warwarin, sida uu leeyahay Maxamed Saalax Dalmar oo ah agaasimaha waaxda dugsiyada sare ee Wasaaarada Waxbarashada Somaliland oo isaga laftiisa ay ka tahriibtay gabadh uu dhalay oo lacagtii Jaamacadda dalka kaga baxday.

Agaasime Dalmar oo ka hadlaya tahriibka iyo saamaynta uu ku yeeshay ardayda dugsiyada sare iyo Jaamacadduhu waxa uu yidhi  “Tahriibku dugsiyada waxbarashada si aad ah ayuu u saameeyay oo dhibaato weyn ayuu ku hayaa, inta badana waxay ku dhacdaa laba arimood, ta koowaad anigu waxaan u arkaa shaqada dalka oo yar oo haddii ardaygu ogyahay in marka uu dugsiga sare ka soo baxo inta jaamacaddaha gasha mooyaane inta kale ay shaqo toos ah helayso in Tahriibtu ay yaraan lahayd ama aanay jirteenba. Mida kale, arday iska ladan oo xitaa Jaamacadda laga bixinayo oo waalidkii joogo ayaa la duufsanayaa, oo waxala odhanayaa hebel-baa dhoofay oo reerkoodii guri u soo dhisay, gaadhibuu iibsaday, umana qorna inta ku dhimatay ee ku haligantay ee waxa u qoran midh midhka nasiibkiisu wanaagsanaaday”

Agaasimaha waaxda dugsiyada sare, waxa uu sheegay in isaga laftiisa ay Tahriibtay inantiisii oo uu Jaamacad ku daray “Aniga oo kale, inan baa iigu jirtay dugsiga sare, waxaan u dhiibay $ 250 dollar oo lacagtii jaamacadda ah iyo $ 50 doollar oo aan is lahaa alaab haku iibsato, markaana waxaan is lahaa lacagta Jaamacadda ayay geynaysaa oo ay tagaysaa, laakiin waanu waynay, markaa ka dib ayaa la ii sheegay inay inantii Tahriibtay, markii aanu baadhnayna waxa la ii sheegay in qolada Tahriibku ay Hargeysa xafiisyo ku leeyihiin oo xaafadaha qaarkood xafiisyo uga dhex furan yihiin, waxa la ii sheegay in iyagu ay dhalinyarada abaabulaanoo wadooyinka qalqaloocan ee dalka lagaga baxo ay mariyaan” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markay inantii gaadhay xerooyin Suudaan ku yaala, ayay hooyadeed la soo hadashay waxaana la soo waydiiyay $2300 doolar, markii aab jeebkayga lacag ka waayey (arintuna waa deg-deg oo qofku markuu halkaa kaala soo hadlo waalid-baad tahoo beerkaa ku xanuunaya), waxay igu kaliftay inaan soo iibiyo midhadh Halo (geel) markaa dhalaya oo miyiga ii joogay oo aan kaga furto kii halkaa ku haystay, waxa u dheer haraadka, hanjabaada iyo qaarkood oo la shaabuugaynayo oo aanu qayladooda maqlayno”

Agaasime Maxamed Saalax Dalmar, waxa kale oo uu sheegay in mar labaad laga qaaday lacag faro badan oo aanay ka taag haynin  “Muddo ayaanu haddana hadal ka waynay, markay marayaan Liibiya meel ku dhow ayaa haddana la qabsaday, waxaana lagu yidhi haddii aanad $ 1500 doolar aan dibada iyo dalkaagii lagaga soo dirin halkan dhaafi-maysid, markaas ayay ila soo hadashay iyadda oo cod yar oo sii bakhtiyaya leh oo aan afar maalmood biyo mooyaane aan baad afka galin, waxayna ii sheegtay in 1500 doolar baa la iga rabbaa, markaa haddii la isku geeyo iyadda oo aan Liibiya gaadhin ayay  nagu maraysaa 3000 doolar, inay Liibiya iyo badda ka badbaadi doontana ILAAHAY-baa og”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Dad konton qof ah ayaa la socda oo gaadhi la wada saaray, intii ay dhexda ku sii jireen  afar-baa dhintay, waalidkii aanu wada wareysanaynay carruurta, ayaa nagu yidhi haddii idinka inantiinii idinla hadashay, anaga kaayagii wuu dhintay”

Agaasimahani oo dareen waalidnimo ku hadlaya isla-markaana aad dareemayso sida uu uga xumaaday ilmihiisa tahriibay iyadda oo aanay dhibaato haynin, ayaa xukuumadda u soo jeediyey taladan “Arintan dalka ayay ceeb ku tahay, markaa in dadka la jiheeyo ayaan kula talinayaa xukuumadda maanta Somaliland oo ay u furan wax ay ku shaqeystaan sida farsamada laydhka ama faarada”