Labada Xisbi Mucaarad Oo Maanta Iclaamiyay Mudaharaad Ka Dhan Ah Xeerka Waddooyinka Iyo Xukuumadda Oo Xalay Ku Gacan Saydhay

2
706

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID ku gacan saydhay dalab ay u gudbiyeen oo ahaa inay maanta mudaharaad salmi ah la hortagaan golaha wakiilada si ay culays ugu saaraan inaanay ansixin xeerka horumarinta waddooyinka oo la saadaalinayo in hirgelintiisu ay dhibaato ku keeni karto xaaladda dhaqaale ee dalka iyo nolosha dadka danyarta ah.

Labada xisbi Mucaarad ee Wadani iyo UCID, ayaa iyagoo cuskanaya qodobka 32aad ee distoorka qaranka, oo tilmaamaya inay muwaadiniintu dareenkooda isu soo bax ku cabiri karaan si waafaqsan xeerka, waxay wasaaradda arrimaha gudaha ka codsadeen in loo ogolaado mudaharaad salmi ah oo ka dhan ah xeerka horumarinta waddooyinka oo la filayo inay xukuumadu maanta awood ku jiidhsiiso golaha wakiilada.

https://fbcdn-sphotos-a-a.akamaihd.net/hphotos-ak-prn2/1374913_10151842571658559_469280176_n.jpg
https://fbcdn-sphotos-g-a.akamaihd.net/hphotos-ak-frc3/1374060_10151842571728559_1612919463_n.jpg

Wasiirka arrimaha gudaha Md. Cali Maxamed Warancade, ayaa qoraal jawaab celin ah oo uu xalay u diray labada guddoomiye xisbi mucaarad ee Wadani iyo UCID Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe, wuxuu ku sheegay inaan la ogolayn mudaharaadkaas oo uu sheegay inaanu waafaqsanayn shuruucda dalka ee mudaharaad lagu dhigi karo. Qoraalkaas jawaab celinta ah ee ay xukumadu u dirtay labada xisbi mucaarad oo nuqul ka mid ah la siiyay Madaxweyne Siilaanyo, ayaa u qornaa sidan, “Annagoo tixraacayna warqadda ay noo soo gudbiyeen labada xisbi ee Wadani iyo UCID oo tirsiyadoodu yihiin XIS/WAD/XDH/110/2013 iyo UCID/9252013 ee ku taariikhaysan 23/9/2013, ujeedadeeduna ahayd codsi banaan bax lagu diidanyahay xeerka horumarinta waddooyinka oo aad ku codsanaysaan inaad qabataan mudaharaad ku began 24/9/2013.

Annagoo cuskanayna distoorka Jamhuuriyadda Somaliland qodobka 32aad iyo xeerka ilaalinta anshaxa iyo nabadgelyada guud xeer no:512012 qodobkiisa 10aad, faqradiisa 1, 2 iyo 3, kuwaas oo qeexaya shuruudaha lagu dhigi karo mudaharaad. Haddaba markii aanu eegnay codsigaas, waxa noo cadaatay inaanu waafaqsanayn shuruudaha qodobada sare ku xusan. Sidaas darteedna aanay wasaaradda arrimaha guduhu idiin ogolaan mudaharaadkaas.

Sidaas awgeed, waxaanu idinku wargelinaynaa inaad dhawrtaan sharciga, kala dambaynta iyo ilaalinta nabadgelyada.”

Comments are closed.