Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabis Iyo Isku Shaandhayn Ku Daboolay Kaalmihii Ay Banneeyeen Wasiiradii Iyo Masuuliyiintii Kale Ee Xukuumada Iska Casilay

0
1441

Picture8Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay magacaabay 7 wasiir iyo afhayeen  bedeli doona masuuliyintii kala duwanaa ee is casilay. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed madaxtooyada laga soo saaray oo uu ku saxeexanyahay xoghayaha gaarka ah ee madaxtooyada u qaabilsan saxaafadda Naasir Yuusuf Daahir, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo go’aamiyay.

1.In Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland(Hore Duulista)

2.In Mudane, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Xildhibaan)

3.In Mudane, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga)

4.In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland ( Hore Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland)

5.In Dr. Sacad Cali Shire, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiirkii Qorshaynta Qaranka).

6.In Mudane, Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Maaliyada).

7. In Mudane, Axmed Faarax Cadare, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiir Ku xigeenka Maamulka iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha)

8.In Mudane, Xuseen Aaden Cige (Deyr), uu ahaado Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.