Wasiirkii Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Oo Ku Biiray Liiska Xubnaha Is Casilay

0
624

Picture7Hargeysa (Geeska)- Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sar ee Somaliland Prof. Faarax Cilmi Maxamuud Geedoole ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu xukuumada madaxweyne Siilaanyo ka hayey ee wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare.

Wasiirka waxbarashada oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in culays kaga yimi musharaxnimada madaxweyne ku xigeen ee uu u sharaxan yahay darteed uu kaga tagayo xilka wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare.

Wasiir Geedoole ayaa ka mid ahaa wasiiro ilaa shalay la hadal hayey inay ka tagayaan xilka ay hayaan, waxaanu ku biiray masuuliyiintii hore xilka iskaga casilay.