Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Wasiirul Dawle Bilaa Wasaarad Ah Iyo Xubinta Loo Doortay Oo Soo Dhaweeyay

0
580

kayeseHargaysa( Geeska )-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay magacaabay wasiirul dawlaha arrimaha nabadaynta gobalada bari ee dalka, waxaanu u magacaabay Md. Kayse Cabdi Yuusuf, oo hore uga tirsanaan jiray madaxda maleeshiyaadkii SSC.

Madaxweynuhu, wuxuu digreetada uu soo saaray ku sheegay in wasiirul dawluhu hoos iman doono Madaxweynaha. Haddaba, waxa uu Wargeyska Geeska Afrika, xalay isna dareenkiisa wax ka weydiiyay wasiirul dawlaha cusub ee la magacaabay, waxaanu isaga oo magaabistiisa ka hadlaaya uu yidhi  “ Aad baan ugu faraxsanahay xilkaas lay magacaabay, anigu nabad doon baan ahay oo nabad baan waday xil nabada ku saabsan haddii lay magacaabayna waan soo dhawaynayaa, waxii intaas ka danbeeyana insha allaahu waxkhtigeeda ayaan ka hadli doona.” Kayse Cabdi isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Ilaa iyo markii aan SSC soo galayba waxaan ka hadlaayay waa nabadaynta, haddana nabadii ayuunbaa maandhayd madaxweynahu noo siiyay, illaahayna waxaan ka barayaa inuu nabada ina waafajiyo.”

Kayse Cabdi Yuusuf ayaa kamid ahaa hogaamiyayaashii kooxda SSC oo ka dagaalami jirtay gobalada bariga Somaliland, waxaanu muddo ka hor u soo guuray dhanka wada hadalka uu ku baaqay madaxweyne Axmed Siilaanyo, oo uu aakhirkii isaga iyo koox taabcsanayd ay ku dhigeen hubkii, isla markaasna ay ku qaateen hanaanka nabada iyo wadan oolaanshaha.

Kayse waxa uu intaas kadib magaalada Hargaysa kaga dhawaaqay urur siyaasiyeed uu gudoomiye u yahay oo ahaa SSCD, kaas oo ku hadhay kala saaristii ay gudida diiwangalinta ururadu ku kala reebeen.