“Waxaanu Tuhun Sanahay Iskaba Daa Dadaale In Aad Doonayso Inay Doorashadu Dib U Dhacdo, Si Aad Maalmo Sharci Daro Ah Mustaqbalka U Sii Joogto”

0
2363

gabooseHargaysa( Geeska )- Gudoomiyaha urur siyaasiyeedka Umadda Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa walaac weyn ka muujiyay qabsoomida doorashada goleyaasha deegaanka ee ay dhawaan shaaciyeen komishanka doorashooyinku inay caqabado hor taagan yahiin.

Dr.Gaboose waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Siilaanyo inuu rabo in doorashooyinka golayaasha degaanka iyo baarlamaanku dib u dhacaan si uu ugu helo muddo kordhsi qorshaysan. Sida oo kale waxa uu sheegay golayaasha deegaanku inay yihiin kuwo muddo dhaafay oo musuq iyo in madaxtooyada looga taliyo.

Ugu danbayntii waxa uu Dr.Gaboose  ugu baaqay  madaxweyne Axmed Siilaanyo inuu awoodiisa sharci ku farogaliyo arimaha sharci ee ay doorashadu u xanibantahay ayna tahay isaga masuuliyadiisa in dalka ka qabsoomaan doorashooyinku. Waxaanu sidan ku sheegay gudoomiyaha urur siyaasiyeedka Umadda Dr.Maxamed Cabdi Gaboose shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa guud ee magaalada Hargaysa, waxaanu ku bilaabay hadalkiisa sidan  “Komishanka qaranku waa gudi farsamo oo darista xadiga dhaqaale ee ku baxaaya doorashada, cayimana wakhtiga ay suurto gal tahay dooorashadu, maamulana habsami u socodka hawlaha doorashada iyo inay garsoor ka noqdaan tartanka, waxase xilka iyo waajibaadka dastuuriga ah ka saaran yahay madaxweynaha inuu sugo qabsoomida doorashooyinka dalka xiligii loo qorsheeyay  keenona dhaqaalaha ku baxaya, dhamaystirana shuruucda doorashooyinka, diyaariyana nabadgalyo iyo xasilooni ah oo ay doorashooyinku ku dhici karaan.” Ayaa uu yidhi Dr.Gaboose isaga oo hadalkiisa siiwatana waxa uu yidhi“Nidaamka doorashooyinka dimuquraadiyada ku salaysan waxa dooratay bulshada reer Somaliland, una igmaday madaxdooda inay taabo galiyaan. Masiirka intaa leegna may ahayn inuu noqdo mid ku suurtogeli  kara gacan shisheeye, deeq bixiyeyaashu iyagoo ku mahadsan caawimadooda, haddana waxay ahayd masuuliyada uu damirku ina  farayo in sanadba sanadka ka danbeeya ay yaraato deeqdooda, doorashooyinka  oo qabsoomi waaya waxay dhiiri galinayaan kursi jacayl keli talisnimo ay bulshada reer Somaliland waayo arag u tahay waxay dhaxal siisay.  Waxaan ogsoonahay inay dadaal dheer komishanku u galeen sidii ay suurto galin lahaayeen inay doorashadu dhacdo dabayaaqada sanadkan, oo ay kala kulmeen carqalado farsamo iyo culays dhaqaale oo ka yimid tirada ururada iyo asxaabta oo aad badan iyo isbadalka habka doorashada ee loo guuray liiska furan oo ah musharax waliba gaarkiisa haw tartamo.”

Dr.Gaboose isaga oo ka hadlaaya carqaladaha komishanku ay u soo gubiyeen ee doorashada hortaagan waxa uu yidhi “ Daraasad sugan kadib waxay komishanku ku qanceen inaanay suurtogal ahayn in boqolaal musharax astaamahooda laysugu keeno hal waraaq cod bixin oo kaliya s ifiicana loo arki Karin, sidaas awgeed waxay komishanku ku taliyeen si doorashadu inoogu qabsoonto in astaanta musharaxa halkeeda lagu badalo nambar, taas oo ay labada gole ee sharci dajintu ku diideen iyagoo aan qadarin inay dhagaystaan komishankii farsamo ee hawshan qaabilsanaa. Inkastoo aan la dafiri Karin cilada ku gadaaman labada qaab mid kasta haddana waxay ina horyaala doorasho iyo doorsho la’aan 2012.” Isaga oo hadalkkiisa sii wata waxa uu yidhi Dr.Gaboose “ Mudane madaxwayne maaha in komishanka qaranku dhibane u noqdo oo uu ku dhex wareego xafiisyada Nayroobi, madaxtooyada iyo goleyaasha qaranka iyadoo ay  tahay adiga waajibaadkaagii qaran, dhiirigalinta dhamaan hawlaha suuro galinaya doorashadu inay waqtigeedii ku qabsoonto.”

Isagoo sii wata lana hadlaya Madaxweynaha wuxuu yidhi “ Mudane madaxwayne waxay bulshadu xogogaal u tahay muhiimada gaarka ah ee aad siinaysid  wada hadalada Somaliya iyo Sheekh Shariif, balse waxaanu tuhun sanahay iskaba daa dadaale in aad doonayso inay doorashadu dib u dhacdo, si aad maalmo sharci daro ah mustaqbalka u sii joogto, waxaana markhaati ka noqon doona adigoo isticmaalaya awoodaada tastuuriga ah inaad wax ka badalku samayso diidmada labada gole oo ah inta qudha ee doorashadu u xaniban tahay, taasoo si degdeg ah lagaaga sugayo inaad u soo afjartid, si jadwalka doorashada ee komishanku qorsheeyeen u noqo mid midho dhala, Waxaanad dhawrjeer baahisay inay doorashada dawladaha hoose dhacayso 2012 gudihiisa, umaduna waxay kaa sugaysaa inaad ka dhabayso. Waxay bulshadu xasuusan tahay ka soo guryo noqoshadaadii Dubai inaad heshiiskii idin dhexmaray adiga iyo Sheekh Shariif kaga sharci garayso labada gole muddo saacado gudahood ah mudnaanta ay kuu lahayd awgeed.”

Ugu danbayntii Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo ay warbaahintu waydiisay  musaqan lagu eedeeyo xukuumada madaxweyne Siilaanyo sida uu u arko, ayaa ku jawaabay“ Warbaxintaydii horena waan ku sheegay,Waxaan aaminsanahay musuqmaasuq inuu aafeeyay  xukuumaada siilaanyo.”Ayuu yidhi oo  Hadalkiisa ku soo gabogabayey.