Madaxweyne Siilaanyo Oo Macaabay Taliyaha Booliska

0
886

Siilaanyo-MJHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa caawa magacaabay taliyaha Booliska Somaliland oo uu baneeyay Alle haw naxariste Marxuum Maxamed Saqadhi Dubad.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir, wuxuu Madaxweynuhu taliyaha Booliska u magacaabay Md. Cabdillaahi Fadal Iimaan oo ahaa hoggaanka hawlgelinta ciidamada Booliska. Warsaxaafadeedka waxa lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-1017/032012, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda ay Ciidanka Booliisku u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagadda Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL;

 

Markuu Ka Fiirsaday:                Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:                  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cabdilaahi Fadal Iimaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland.”