SHIRKII KULMIYE OO FURMAYA IYO DAREENADA IYO CULAYSYADA KU XEERAN

2
750

kulmiye-flagHargeysa(Geeska)-Xisbiga KULMIYE ayaa la filayaa inuu dhawaan qabsado shirkiisii golaha ka dhexe, ka hor inta aanay qabsoomin doorashada goleyaasha deegaanka, isagoo ka jawaabaya xeerka guddiga diiwaangelinta ee la xidhiidha ururada siyaasadda.

Shirkaas golaha dhexe oo la filayo in toddobaadkan si rasmi ah loogu dhawaaqo wakhtiga uu qabsoomayo, ayaa sida ay ilo xogogaali u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika,  waxa hawshiisa ku guddo jira hoggaanka xisbiga iyo xubno wasiiro ah, waxaanay shalay magaalada Hargeysa ku yeesheen fadhi ay kaga arrinsanayeen shirkaas iyo hawlihiisa. Xubnaha shirka fadhiyay waxa ka mid ahaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Wasiirada madaxtooyada iyo maaliyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka xisbiga, waxaanay sida ay ilahaasi sheegeen isla qaateen in toddobaadkan lagu dhawaaqo wakhtiga uu shirku qabsoomi doono.

Dhinaca kale shirkaas, ayaa waxa la filayaa in laga dareemo loolan dhinaca hoggaanka iyo murashaxnimada xisbiga ah, laakiin weli lama shaacin in shirkaasi ku koobnaan doono abaabulka xisbiga iyo dhismihiisa iyo in lagu soo saari doono murashaxa xisbiga u meteli doonan doorashada dambe ee madaxtooyada.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, oo uu guddoonka xisbiga ku wareejiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dhawr goor loogu baaqay inuu qabto shirweynihii xisbiga, waxaana la filayaa in shirkan lagula baratamo Muuse Biixi Cabdi, oo uu damac ka hayo inuu noqdo murashaxa Madaxweyne ee xisbigaas u meteli doona doorashada dambe ee madaxtooyada. Laakiin hamiga Muuse Biixi, waxa horyaala caqabado kala duwan oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin damac leh oo xisbiga ka tirsan oo la filayo inay kula loolamaan murashaxnimada xisbiga iyo weliba caqabad kale oo ay suurtogal tahay inay shirka ka soo dhex baxdo oo ka mid tahay inuu xisbigu isla qaato inuu dib u dhigto iclaaminta murashixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenka, marka horena awoodda la saaro sidii uu xisbigu mar labaad uga soo gudbi lahaa marxaladda ururada siyaasadda si aanay natiijada murashaxnimadu xisbiga u kala furfurin, waxase ay wararka sheegayaan in rag uu ku jiro Muuse Biixi Cabdi ay taageersanyihiin fikirka ah in shirkan loogu codeeyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga, waxaanay dadka siyaasadda lafo-guraa aaminsanyihiin in murashaxnimada xisbiga oo wakhtigan lagu sii kala calaf qaadaa ay xumad jebin u noqon doonto taageerayaasha Muuse Biixi oo cadaadis ku saaraya  inuu ula yimaado qorhe cad oo lagula hawlgalo amaba haddii si kale loo dhigo uu Muuse Biixi xisbiga muruqiisa geliyo iyadoo ay midho guntiga ugu jiraan. Waxase iyadana la isweydiinayaa in Madaxweyne Siilaanyo si rasmi ah Muuse Biixi ugu garab istaagi doono murashaxnimada xisbiga KULMIYE, marka uu cadeeyo iyo inuu la safan doono ciddii kale ee isla soo sharaxda amaba sida lagu yaqaano uu go’aankiisa ku koobi doono inuu dhex-dhexaad u yahay murashixiinta loolamaysa. Hase yeeshe Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin Axmed oo ah afhayeenka xisbiga; ayaa ah labada siyaasi ee Madaxweyne Siilaanyo kaga hadhay asxaabtiisii hore, waxaana ugu dambeeyay Maxamed Xaashi Cilmi oo uu dhawaan xilka ka qaaday iyadoo ay ka sii horeeyeen Ibrahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo rag kale.

Si kastaba ha ahaate, shirkan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa si weyn u soo jiidan doona indhaha rayul caamka, waxaanay bulshadu u dheg taagaysaa qaabka uu u furmo iyo natiijada ka soo baxda, iyadoo la ogyahay dhaawicii KULMIYE ka soo gaadhay shirkiisii u dambeeyay ee uu ku qabsaday magaalada Burco oo murashaxiin loogu doortay Madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici.

Comments are closed.