Madaxweyne Siilaanyo Iyo Dr. Gaboose Ma Dambas Iyo Digay Isu Rareen?

0
817

laba iyo wacnaanHargeysa (Geeska)Muddo dheer oo uu banaanka ka fadhiyay siyaasadda, wuxuu Dr. Maxamed Cabdi Gabose, hindisay ururkii Qaran ee ay la abaabuleen saaxiibadiisii Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid, xadhig iyo dagaal siyaasadeed oo adag ka dib wuxuu bah-wadaag la noqday Madaxweyne Siilaanyo oo xilligaasi hoggaaminayay xisbigii KULMIYE ee mucaaradka ahaa. Ururka Qaran ka hor wuxuu Dr. Gabose ku jiray sahan siyaasadeed oo uu ku baadi goobayay bal ciddii uu jaal la noqon lahaa, ka dibna wuxuu go’aansaday inuu heshiis la saxeexdo Axmed Maxamed Siilaanyo oo xilligaas geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayay inuu Madaxweyne noqdo. Hase yeeshe sannad iyo badh ka dib guushii  Madaxweyne Siilaanyo , mar qudha ayaa lagu war helay iyadoo ay deeradu dhex miranayso Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wasiirkiisii hore ee arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabose.

Waxa la arkay iyadoo uu Dr. Gabose xejisan kari waayay dareeno is buuxsaday oo uu ka tirsanayo xukuumadda, Madaxweyne Siilaanyo. Dr. Gabose wuxuu istaagay halkii u dambaysay, waxaanu xukuumadda ku tilmaamay mid ay ka muuqato, musuq, eex, qaraabo kiil iyo weliba deg deg siyaasadeed oo dhinaca hoggaanka ahi. Intaas kuma joojin ee wuxuu haddana hadalkaas hore ka daba geeyay war-murtiyeed kale oo ay weedhihiisa ku jireen kuwii uu ku dhaliili jiray Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, xilligii ay mucaaradka wada ahaayeen. Wuxuu sheegay inay xukuumadu ku hayso taageerayaashiisa xadhig iyo cago-juglayn iyo weliba inaan loo sinayn warbaahintii qaranka. Dhinac marka laga eego eedaymahani waxa ay ayaan darro ku yihiin hamigii Dr. Maxamed Cabdi Gabose, dhinac haddii laga eegana waa nasiib darro u soo hoyatay Madaxweyne Siilaanyo, waxaana marka hadaladan la dhuuxo muhiim ah in dib loo milicsado qodob ku jiray heshiiskii ay KULMIYE oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Siilaanyo iyo ururkii Qaran oo uu hoggaaminayay Dr. Gabose ay kala saxeexdeen 10 December ee sannadkii 2008. Bal milicso qodobkii u dhignaa ‘Urur siyaasadeedka Qaran markii uu si qoto dheer u qiimeeyey xaalada siyaasadeed ee dalka JAMHUURIYADA SOMALILAND, waxa uu ku qancay in maanta halka dalka lagu badbaadin karaa ay tahay xisbiga KULMIYE, sidaa darteed wuxuu ururka Qaran ugu baaqayaa taageerayaashiisa iyo ummad-weynta Somaliland in ay cududooda iyo codkoodaba isugu geeyaan sidii uu u guuleysan lahaa xisbiga KULMIYE.’

Maalintaas wuxuu Dr. Gabose taagnaa inuu Madaxweyne Siilaanyo yahay hoggaamiye Somaliland badbaadin kara, isagoo bulshada ugu baaqay inay hiil iyo hooba la garab istaagaan, laakiin intii aanu xilka hayn laba sannadood wuxuu Dr. Maxamed Cabdi Gabose, arkayaa dalkii oo gebi ka sii dhacaya.

Marka heshiiska laga eego dhinacii KULMIYE, bal eeg qodobkan ‘Si loo xoojiyo iskaashiga labada dhinac, xisbiga KULMIYE haddii uu doorashada ku guuleysto waxa uu dhisi doonaa dawlad cusub oo ay qeyb ka yihiin urur-siyaasadeedka Qaran.’ Marka qodobkan la eego, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo balan qaaday inuu dhisi doono xukuumad cusub oo ay Qaran qayb ka yihiin. Laakiin iska dhaaf dawlad ay qayb ka noqdaane, waxa xukuumadiisa banaanka uga baxay Maxamed Cabdi Gabose oo markii uu arkay inaanay xaaladu caadi ahayn is casilay iyo Maxamed Xaashi Cilmi oo uu isna xilli ku beegan salaadii subax xilka ka qaaday,  waxaana keliya oo ku hadhay Jamaal Caydiid.

Marka la eego halka ay maanta kala taaganyihiin Madaxweyne Siilaanyo iyo Dr. Gabose, waxa la isweydiin karaa su’aal ah heshiiskoodu ma wuxuu ahaa mid lagu saleeyay dano gaar ah oo aan ku fadhiyin danta qaranka mise labadooduba waxay isla gaadayeen warmaha siyaasadda.? Dhinac la doono haloo qaate waxa soo baxday inaanu heshiiskaasi ahayn mid ku fadhiyay xaqiiq iyo daacadnimo balse uu ahaa mid ku fadhiyay dano siyaasadeed.

Haddii sida muuqata uu heshiisku ku fadhiyay dano siyaasi ah, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu uga gol lahaa inuu kaga gudbo baahidii siyaasadeed ee maalintaas haysay iyo weliba inuu sameeyo tab iyo xeelad kasta oo uu kursiga ku fuuli karo. Dr. Gabose, isna waxa haysay cadho uu ka qaaday maamulkii Daahir Rayaale Kaahin, dabadeedna wuxuu ku kacayay talaabo kasta oo uu u arkayay inay wiiqayso cududii Rayaaale, laakiin waxa muuqatay inaanu wax badan hubsanin.

Si kastaba ha ahaate, laba qodob ayuun buu heshiiska labadan masuul isugu soo ururayaa. Haddii uu Madaxweyne Siilaanyo markii uu xilka qabtay dareemay in heshiiskii uu 2008 la saxeexday ahaa mid khaldan, haddana sida uu Gabose tilmaamay go’aansaday inuu dagaal ku curyaamiyo urur siyaasadeedkiisa, waa inuu umadda u sheegaa sababta keentay inuu heshiiskaas buriyo.?

Haddiise Dr. Gabose uu sanand iyo badh ka dib dareemay inuu ku khaldamay heshiiskaas uu Madaxweyne Siilaanyo la saxeexday, islamarkaana uu arkay inaanu Madaxweyne Siilaanyo ahayn hoggaamiye dalka gaadhsiin kara yoolka ay umaddu hiigsanayso, waxa looga baahanyahay inuu umadda ka raali geliyo taageeradii uu la garab istaagay xilligii ololihii Madaxweyne Siilaanyo.

 

Geeska Afrika Staff Writer