“Waxaan Raacnaa Digniinaha Socdaal Ee Denmark, Laakiin, Kuma Dhaqano Digniino Dal Kale

0
3786

 

odayHargeisa (Geeska)- Sorem Rasmussen, madaxa xafiiska DANIDA e Hargeysa ayaa cadeeyey in sannadkan Denmark siinayso Somaliland dhaqaale gaadhaya $ 8 milyan, isla markaana laban laabi doonto sannadaha soo socda. DANIDA waa hay’adda mucaawinada ee dalka Denmark.

Rasmussen,  ayaa tilmaamay inuu ku shaqeeyo digniinaha Denmark ka soo baxa, balse aanay khusayn, saamayna ku yeelan digniino dhowaan Ingiriisku kaga hadlay amaanka Somaliland.

Mr, Sorem Rasmussen, ayaa sheegay in xafiiska mashaariicda DANIDA oo hoos yimaada safaarada Denmark ee Nayroobi, lana furay August, 2012, waxqabadyo badan oo xukuumada Somaliland muhiim u ah ka taageero, dal soo dhoweyn weyn leh iyo dad ku mashquulsan horumarkoodana ku arkay Somaliland.

Wareysi Maxamuud Walaaleye oo Geeska Afrikaah kula yeeshay xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay in mashruuc maalgelinta ganacsatada oo xafiiskooda iyo Baanka Aduunka iska kaashanayeen wejigii labaad bisha shanaad bilaabi doonto, jawaabaha uu ka bixiyay su’aalihii la weydiiyayna  sidan ayey u dhaceen:

Sidaad u aragtaa digniin dhowaan Ingiriisku ka bixiyey amaanka Somaliland, wax saamayn ah ma idinku yeelatay?

Waad aragtaa inaan xafiiskayga Hargeysa joogo, waxaan raacnaa digniinaha socdaal ee Denmark, laakiin, kuma dhaqano digniino dal kale u jeediyey muwaadiniintooda. 

Xillima ayey bilaabmayaan bixinta lacagtii maalgelintii mashaariic xafiiskan iyo Baanka aduunku siinayeen ganacsatada Somaliland, maalgelintu ma socon doontaa? 

Lacagta maalgelinta ganacsatada ugu horeysa waxa la bixin doonaa labada bilood ee soo socda. Sidoo kale mar kale ayaa la furi doonaan fursado ganacsatadu ku soo dalbadaan maalgashi bisha shanaad sannadkan, balse weli, xadiga lacagta la bixinayo lama oga.

Sidaad u aragtaa Somaliland wakhtigan, marka loo eego ilaa xilligaad timi?

Waxaan u arkaa Somaliland meel soo dhoweyn wanaagsan leh, oo xukuumada iyo hay’adaha aan wada-shaqeynta leenahay taageeradoodu sareyso. Somaliland waxay leedahay fursado horumarineed balaadhan. Xukuumaduna waxay ku dedaalaysaa dhisitaanka kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaan rumaysnahay, iigana muuqata furfurnaan guud ahaan Somaliland

Ma jiraan mashaariic lagu kobcinayo saxaafada guud ahaan Somaliland oo xafiiskaagu wado ama kaaga qorshaysan?

Waad ku mahadsan tihiin wargeyska Geeska Afrika iyo weriye Maxamuud Walaaleye, inaan noqotaan warbaahintii ugu horeysay ee wax naga weydiisa hawlaha xafiisku qabto. Wakhtigan, qorshahan afarta sannadood taagerida saxaafada iyo hawlahooda ma badna.

Ma jirtaa kaalin Denmark ku leedahay wada xaajoodka loo qorsheeyey Somaliland iyo Soomaliya, am aka geysanayso?

Wakhtigan, maya. Laakiin, si dhow ayaan ula soconaa xaalada, annagoo rajo wanaagsan ka qabna.