Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Gaadhay Magaalada London

0
645

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigiisii, ayaa la filayaa inay maanta gaadhaan magaalada London ee dalka Ingiriiska.

1

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka subaxnimadii hore ka ambo baxay dalka Imaaraadka Carabta, waxa  la filayaa inay magaalada London ku soo dhaweeyaan jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha oo uu socdaalkiisu yahay mid gaar ah, ayaa haddana la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska.