Farac Cusub Oo Ay Jaamacadda UNITY Ku Yeelan Doonto Somaliland Oo La Daah-Furay

0
559

1Hargeysa:(Geeska)-Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey furitaanka Jaamacadda UNITY farac rasmi ah oo ay ku yeelan doonto Somaliland, ayaa lagu qabtay hutel Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxana madasha daah-furkeeda kasoo qaybgalay wasiirro, salaadiin, siyaasiyiin, madaxda jaamacadda ee Somaliland iyo Ethiopia, arday iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu horrayn madasha lagu daahfurayey faraca jaamacadda UNITY ku yeelan doonto Somaliland waxa daah-furay madaxda jaamacaddaas ee Hargeysa, kuwaas oo bulshadii halkaas ku sugnayd si hufan ugu faahfaahiyey waxa ay jaamacaddani ka kooban tahay, baahida keentay iyo waxyaabaha ay awoodda saari doonto.

Guddoomiyaha faraca jaacadda Unity ku yeelan doonto Somaliland Md Cabdirisaaq Cali oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay jaamacadda cusub oo uu ku tilmaamay hormoodka jaacadaha ka hawlgala Dalka Ethiopia oo ay xarunteedu tahay, isla-markaana ay tahay jaamacad gaamurtay oo muddo dheer soo jirtay,“Waxa sharaf noo ah inaanu jaamacadda UNITY University farac kamid ah ka furno Somaliland. Jaamacaddani waxa ay kamid tahay jaamacadihii ugu horreeyey ee laga furo dalka Ethiopia, waxana la aasaasay sanadkii 1991-kii, waxana ay jirtaa muddo 25-sano ku dhaw. Jaamacaddanina waxa ay ahayd jaamacaddii ugu horraysay ee si gaar ah loo  leeyayay ee Ethiopia laga furo, waxana ay ku jirtaa jaamacadaha ugu sarreeya ee dalka Ethiopia ku yaalla marka xagga tayada laga eego iyo marka xagga tirada lo eegoba.Jaamacadda UNITY waxa qiimayntii ugu dambaysay ee dalka Ethiopia laga sameeyey waxa ay ka gashay kaalinta tobnaad, waxana ka horreeya Sagaal jaamacadood oo ay dawladdu leedahay oo kali ah.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdirisaaq Cali.

Guddoomiye Cabdirisaaq oo hadalkiisa, ayaa sidoo kale si kooban u tilmaamay faa’iidooyinka ay jaamacadda UNITY u leedahay qaranka Somaliland, waxana uu yidhi,“Qorshahayagu waa inaanu kobcinta dhaqaale ee dalka ka qayb qaadanno oo aanu kobiciisa cilmi-baadhiseed ka qaadanno oo ay dadka aqoonta leh ee aanu soo saaraynaa ay horumarka waddanka ka qayb qaataan.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, ahna guddoomiyaha golaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey jaamacadda UNITY, waxana uu xusay inay bixin doonto waxyaabo Somaliland dhexdeeda baahin badan looga qabo, waxana uu yidhi, “Maaddooyinka jaamacaddu dhigaysaa waa qaar shacabka iyo dalkuba u baahnaa, waxana ay caan ku tahay jaamacaddani Engineering-ka oo aan aaminsanahay inuu yahay meelaha aynu ugu baahi badanahay, waxana aan rajaynayaa inay jaamacaddani kaalin weyn oo inagu bannaanayd buuxin doonto.”

Dr. Butte Gottu, guddoomiye-ku-xigeenka jaamacadda Unity ee Ethiopia, ayaa isaguna ku dheeraaday sida hagar la’aanta ah ee Jaamacadda UNITY ugu dedaashay inay Somaliland faracyo ku yeelato, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay aradayda reer Somaliland ku habi doonaan tacliin hufan oo mustaqbalkooda wax weyn ka tari doonta.

Guddoomiyaha xisbiga UCID iyo Xog-hayaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo iyaguna madasha ka hadlay si mug leh usoo dhaweeyey jaamacadda UNITY oo laga daahfuray waddanka, waxana ay ku dhiirrigeliyeen inay qayb libaax ka qaadato kor u qaadista waxbarashada dalka.

Suldaan Cismaan Suldaan Madar, ayaa isaguna soo dhaweeyey jaamacadda Cusub, waxana uu dhallinyarada ku dhiirrigeliyey inay ka faa’iidyastaan tacliinta ay jaamacadda UNITY aqalladooda ugu keentay, isla-markaana ay naftooda iyo dalkoodaba wax ugu qabtaan.

Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta,Caddaaladda iyo weliba waxbarashada oo iyaguna ka hadlayey madasha lagu daah-furay faraca cusub ee jaamacadda UNITY ku yeelan doonto Somaliland, ayaa soo dhaweeyey jaacadda, waxana ka codsadeen inay dalka kusoo bandhigto tayada waxbarashada ay bixiyeen faracyada jaamacaddu ku leedahay dalka Ethiopia.

Jaamacadda UNITY University, ayaa kamid ah hormoodka jaamacadaha gaarka loo leeyahay eek a dhisan dalka Ethiopia, waxana sanad walba ka qalinjebiya kumana arday oo ku hubaysan aqoon tayeysan oo ay jaamacadda ka dhaxleen.