Suldaan Daakir Oo Boobka Hantida Ku DhaliilayXukuumadda, Soona Dhaweeyay Murashaxnimada Barkhad

0
683

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Beelaha Gabooye Suldaan Daakir Xasan Khaliif, ayaa dhaliil u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu sheegay in wixii loo doortay iyo xilkii ay qaranka u haysay ay gabtay, oo aanay cidna dan ka lahayn balse ay wuxuun ka urursanayso.

1

Suldaanka guud ee Beelaha Gabooye Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xisbiga Mucaaradka ee Waddani amaan balaadhan u soo jeediyey waxaanu sheegay inuu yahay Xisbi lagu dhan yahay, oo la wada leeyahay, oo aan la kala lahayn, waxaanu si gaar ah uga hadlay Musharaxa isku soo sharaxaya jagada Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Waddani ee Barkhad, oo ay isku hayb yihiin, waxaanu tilmaamay in haddii ay suurtagasho musharaxnimadiisu inay Somaliland wax badan u soo kordhinayso, waxaanu yidhi “Beesha Caalamku Somaliland wax badan ayey taraan, balse talabadii Madaxweynaha ee uu Doorashada Wakiilada dib ugu dhigay, waxay Beesha Caalamku u arkaan wax maslaxadooda ka hor imanaya,Xukuumaddan waxa loo doortay inay dadka cadaalad iyo sinaan ku xukumaan, balse hadafkeedii wuxuu  noqday inay dalka wuxuun ka urursadaan, oo  siday doonaan ka yeelan, waxaanad mooda in dano gaar ah la yeelahay, ee Bulshada Somaliland waxaan leeyahay nabadiina ilaashada, oo maslaxdiina iyo dantan qaran ka fikira,dalkiinana fiiro gaar ah u yeesha, Doorashadana si xor iyo xalaal ah u gala”.

Suldaan Daakir mar uu ka hadlaayey musharaxnimada jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani ee Barkhad ayaa yidhi “Anigu waxaan ahaa Raggii lahaa taladda ah inuu Barkhad is sharaxo, markaas waanu ku faraxsan nahay, oo Odayaashiisa ayaan ka mid ahay, haddii arinkaasi suurtagalana waa arin Caalamka soo jeedin kara,oo Caalamka iyo Qaramada midoobayba waxay u arki doonaan inay Somaliland cadaalad iyo sinaani ka jirto, waana hubaal in Xisbiga Waddani-na yahay Xisbi Qaran oo guud ahaan Beelaha Somaliland ku dhan yihiin, waana Xisbi aan la kala lahayn, oo la wada leeyahay.”