Sidee Ayuu Wasiirka Cusub Ee Cadaaladu U Arkaa Xilkiisa Cusub?

0
656

Picture2Hargeysa (Geeska)-Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Axmed Faarax Cadare oo hadda loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada, ayaa  ka hadlay loolanka musharaxnimada Kulmiye, waxaanu dhamaan Musharixiinta u soo jeediyey tallo, waxaanu ugu baaqay in aanay khilaaf ku kala tagin ee ay si xalaal ah oo cadaaladi ku jirto u tartamaan.

Wasiirka cusub ee Cadaalada Axmed Faarax Cadare oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay dareenkiisa ku saabsan xilkan wasiirnimo ee loo magacaabay waxaanu Illaahay ka baryey inuu u fududeeyo, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay  sidan  “Xilkani waa waa xil ii soo kordhay, waxaana ILLAAHAY ka baryayaa inuu xilkan ii fududeeyo, inkasta oo aanu masuuliyad hore haynay, haddana masuuliyadani waa masuuliyad culus waa cadaalad, ILLAAHAY oo qudha ayaa cadaaliya, waxaana isku dayi doonaa in aan ka soo baxo masuuliyadaas la ii dhiibay”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko loolanka Kulmiye ayaa ku jawaabay “Tartanku waa xalaal, waa in si xalaala Golaha loogu tartamaa, cadaaladuna waa u asal, waxa aan leeyahay walaalo ayaad tihiin laguma kala tago khilaaf, ee khilaafka idiin dhexeeya soo afjara, si xalaal ahna u tartama.

Shacabka reer Somaliland waa Shacab bislaaday, qaran ahaana u bislaaday, loolanka iyo is bedeladu inay dareenka shacabka  kiciso mooye wax dhibaato ah ma gadhsiiyo, waxaana amaanta iska leh  dhammaan Ciidanka Qaranka Somaliland ee kala duwan  oo iyagu suga amaanka, si aanay is bedeladaas iyo  siyaasadahaas is bed-bedelaanaya aanay amaanka iyo dhaqaalaha shacabka waxba yeelin”