Hacayoco Oo 37 Arday Oo Ka Qalin Jebiyay Xirfadaha Kala Duwan Gudoonsiiyay Shahaadooyin

0
703

 

Hargeysa (Geeska) Hay’adda Wadaniga ah ee HAVAYOCO ayaa 37 arday oo ka qalin jebiyay xirfadaha kala duwan ee ay bixiso u qabatay munaasibad qalin jebin ah, taas oo ka dhacday Hotel Summer Time ee Magaalada Hargeysa.  Ardaydan qalin jebiyay ayaa noqonayaa dufcadii 3-aad ee ka qalin jebiya xirfadaha kala duwan ee HAVAYOCO ay bixiso.

Munaasibada qalin jebinta ardaydan oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha, wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda, wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare, madaxda Hay’ada HAVAYOCO, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Waxaa furitaankii xafladaasi ka hadlay Agaasimaha Hay’ada HAVAYOCO Cumar Sheekh Cabdilaahi oo ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee Hay’adu soo martay, isagoo sheegay inay markasta dhalinyarada la garab taagan yihiin aqoon anfacda oo u abuuraysa inay shaqo tagaan, isagoo sidoo kalena tilmaamay inay dhalinyaro baddan oo ay wax-bareen ay maanta ay ka shaqeeyaan shirkada waaweyn ee dalkeena, isagoo dhalinyartana ku booriyay inay gacmaha is qabsadaan oo ay dedaal dheeraad ah la yimaadaan.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay madaxa mashruucyada ee Hay’ada HAVAYOCO Jimcaale Yuusuf Magan, waxaana isna uu halkaasi ka sheegay inay ka go’an tahay sidii ay shaqo ugu abuuri lahaayeen dhalinyarada, waxaana uu yidhi

“Waxaanu marwalba dhinac taaganahay dhalinyarada sidii aanu u taageeri lahayn, iyadoo aanaan halkaasi kaga hadheen balse u abuuri doono shaqooyin” ayuu yidhi Jimcaale.

Waxaa isna halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay Masuul sare oo ka socday SOCSA Cabdi Naasir oo u qaabilsan Monitoring and Evaluation, waxaana uu isna carabaabay sidii ay dhalinyarada shaqooyin ugu abuuri lahaayeen.

Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal ayaa isna ka hadlay halkaasi, isagoo hadalo kooban oo uu ku dhiiri galinayay dhalinyarada soo jeediyay, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta halkan idinkala soo qayb galo xafladan qalin jebinta, waana wax lagu faani karo inaad maanta shaqo tagi kartaan oo aad muruqiina adeegsataan, laakiin markaad beri aad shaqo doonataan waxaan idiinka digayaa oo aan idinkala dardaarmaaya qabyaalada oo ah maanta aafada koowaad ee inala hadhay, waxaan idin leeyahay ka dheeraada qabiilku waa qudhunee”

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Kaluumaysiga Md. Jaamac Cismaan C/laahi (Geeljire), waxaana hadalkii uu madashaa ka jeediyay uu ku nuuxnuuxsaday in dhalinyaradu ay tahay laf dhabarta koowaad oo wax loo dhigaa jirin, isagoo carabaabay in wadanku yahay mid yar oo curdin ah oo aan beesha caalamka ka helin aqoonsi haddana u taagan sidii dhalinyarta loogu samayn lahaa shaqooyin.

Si kastaba ha ahaatee waxa uu wasiirku amaan balaadhan u soo jeediyay cid kastoo gacan laxaad leh ka gaysatay sidii ardayda loo bari lahaa farsamada gacanta. Gababadiina waxaa halkaas shahaadooyinkii ku gudoonsiiyay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Md. Cali Xaamud Jibriil, isagoo Hambalyo balaadhan uga soo jeediyay Ardayda qalin jebinaysay, waxaana uu tilmaamay inay xukuumada ahaan mar kasta ay garab taagan yihiin dhalinyarada.