Madaxweyne Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Xisbiyada Mucaaradka Dib Ugu Soo Celinayo Xubnihii Ay Guddiga Doorashada U Xuleen

0
522

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la sheegayaa inuu go’aansaday inuu labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani dib ugu celiyo labadii xubnood ee ay u gudbiyeen si ay uga mid noqdaan guddiga doroashooyinka cusub. Ma jiro rasmi ah oo lagu xaqiijiyay in Madaxweynuhu soo celinayo xubnahaas, laakiin warar soo baxay labadii caano maal ee u dambeeyay ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu dib u soo celinayo labada masuul ee ay UCID iyo Waddani u gudbiyeen. Mid ka mid ah labadaas xubnood  oo ah xubinta uu xisbiga Waddani xulay Dr. Maxamed Cismaan Fadal ayaa la sheegayaa in dib u celintiisa loo daliishaday inuu ka mid yahay xisbiga Waddani, inkastoo uu Dr. Fadal dhawaan si rasmi ah iskaga casilay xilkii iyo xubinimadii xisbiga Waddani.

Xubinta xisbiga UCID oo ah Md. Cabdifataax Ibrahim Xasan ayaa isna la sheegay inuu Madaxweynuhu ku doodayo inuu ka mid ahaa guddigii hore ee doorashooyinka qaranka, inkastoo aanu jirin sharci xubnihii hore uga tirsanaa guddiga doorashada u diidaya inay ka mid noqdaan guddiga cusub ee doorashooyinka qaranka. Labada xisbi mucaarad ayaan la saadaalin karin go’aanka ay ka qaadan doonaan haddii uu Madaxweynuhu dib ugu soo celiyo labadooda xubnood.  Guddiga doorashooyinka ee wakhtigan xilka haya ayaa wuxuu wakhtigooda xil hayneed ku eegyahay bisha Oktoober ee soo socota.