Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Kooban Uga Hadlay Dilka Hoggaamiyihii Al-Shabaab Iyo Saamaynta Adduunka, Somaliland, Somaliya Iyo Gobalkaba

0
668

Picture8Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si kooban uga hadlay dilka hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, oo uu Maraykanku gantaal diyaaradeed ku dilay toddobaadkii hore. Madaxweyne Silaanyo, ayaa qoraal kooban oo la geliyay barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku sheegay in geerida Godane ka dib ay dunida iyo gobalkuba ka xasiloontahay sidii hore.  “Dunidu way ka nabadgelyaysantahay sidii hore, gobalkuna wuu ka xasiloonyahay sidii hore” ayuu ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo qoraalkiisa, waxaanu intaas raaciyay in geerida Axmed Cabdi Godane ka dib ay Somaliland iyo Somaliya ka shaqayn karaan ammaanka gobalka,    “Somaliland iyo Somaliyana ugu dambayntii way ilaalin karaan gobalka, ka dib geeridii Axmed Godane”ayuu yidhi qoraalku, laakiin madaxweynuhu ma raacin wax faahfaahin ah.

Maraykanka ayaa gantaalo ay ka soo rideen diyaaradaha is wada waxa ay toddobaadkii hore ku dileen hoggaamiyihi Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, iyadoo Al-Shabaaba ay xaqiijisay geerida hoggaamiyahoodii, waxaanay bedelkiisa u magacaabeen Axmed Cumar oo loo yaqaano Abu Cubeyda.