Saylici Iyo Cirro Oo Dalka UAE Kaga Qayb Galaya Shir Maalgashi Oo Caalami Ah

0
450

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil iyo guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa dalka Imaaraadka kaga qayb galaya shir maalgashi oo lagu soo casuumay Jamhuuriyadda Somaliland. Shirkaas oo lagu sheegay mid maalgashi oo lagaga hadlayo arrimaha gobalka Afrika, ayaa waxa ka hadlaya madaxweyne-xigeenka Md. Saylici, ka hor intii aanu dalka shalay ka dhoofin, “Waxaan baxaynaa safar yar oo gaaban, waxaanu ka qayb galaynaa Madal maalgalineed oo nalagu marti qaaday oo loo qabtay Dalal ka mid ah Afrika-da galbeed, waxaa ka soo qayb galaya 8 Madaxweyne oo Afrika-da galbeed ah. Waxaa ka soo qayb galaya Maalgaliyeyaal tiro badan anagana waa nalagu marti qaaday si aanu goob joog uga noqono oo aanu uga faa’iidaysano. Waxaanu u bandhigaynaa in Somaliland tahay dal u furan Maalgashiga, fursado badan oo maalgashina leh” Madaxweyne xigeenka oo Saxaafadda kula hadlayay Madaarka Hargeysa. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa isna shalay ka ambobaxay magaalada Hargeysa si uu uga qayb galo shirkaas. Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in qaban qaabiyayaasha shirku ay si rasmi ah ugu soo casuumeen shirkaas maagashi.