Halista Uu Somaliland Ku Hayo Hanaanka Shaqo Ee Xafiiska Cusub Ee Ay Qaramada Midoobay U Yagleeshay Somaliya

1
525

Picture5Hargeysa(Geeska)-Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa khamiistii ansixiyay qorshe cusub oo ay Qaramada Midoobay kaga hawlgalayso dalkii la isku odhan jiray Somaliya, oo ay Somaliland ku jirto.

Qorshahan oo ka dhashay warbixin xog ururin ah oo ay samaysay guddi uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey bishii March u soo diray qaybaha kala duwan ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo uu golaha ammaanka u gudbiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki Moon, ayuu ka dhashay go’aanka uu golaha ammaanka ee qaramada midoobey ku gaadhay in la yagleelo xafiis cusub oo maamulo hawlaha qaramada midoobey ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxa aanu golaha ammaanku xafiiskaas cusub u bixiyey United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM).

Waxyaabaha ku cad warbixinta uu Mr. Ban Ki Moon u gudbiyay golaha ammaanka ee ay ansixiyeen waxaa ka mid ah qodobka 29aad oo  tilmaamaya in guddiga UNSOM ay xaruntoodu noqon doonto Muqdisho islamarkaana ay xafiisyo ka furan doonaan dhammaan dhulka ay ka shaqeeyaan sida ay dawladda Somaliya codsatay,kuwaas oo ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland.

Hawlgalkan oo magaalada Muqdisho ka bilaabmi doona 3-da bisha June ee soo socota, wuxuu halis ku yahay madaxbanaanida Somaliland, maadaama oo ay ergada UNSOM xaruntoodu noqon doonto Muqdisho oo laga hagi doono dhammaan shaqooyinka ay qabanayaan iyo tas-hiilaadka maamul ee ay u baahan yihiin hay’adaha ka shaqaynaya Somaliland.

In kasta oo qodobka 29aad ee warbixintan lagu qaboojiyey ereyga ah in guddidu ay aqoonsan tahay baahida loo qabo in la xoojiyo wada hadalka ay Hargeysa iyo Muqdisho kaga tashanayaan xidhiidhkooda mustaqbal sida uu noqonayo, ayaa si cad uga hor imanaya doonista Somaliland ee ah in caawimooyinka iyo hawlaha horumar ee qaramada midoobey ka samaynays Somaliland ay ahaadaan kuwo iskood u taagan oo ka madax bannaan dawladda Muqdisho. Si kastaba ha ahaato ee xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda wax jawaab ah ka bixin qorshahan cusub oo haddii uu sidaas ku hirgalo hoos u dhigi doona qaranimada Somaliland.

Comments are closed.