Bishaaro… Bishaaro… Bishaaro: Majaladda XOGKEEN

13
4474

keen23333333Xarunta SURAD oo ah xarun warbaahineed oo ka diiwaan gashan jamhuuriyadda Somaliland waxa ay soo saartay cadadkii labaad ee Majaladda XOGKEEN oo ah afar biloodlaha ku hadasha luuqadda Soomaaliga.

 

Majalladdan XOGKEEN waxa ay qayb ka tahay adeegyo warbaahineed oo ay xaruntu ku hawlan tahay, waxa aanay xambaarsan tahay mawduucyo isugu jira, siyaasi, dhaqaale, hidde iyo dhaqan iyo caafimaad, mawduucyadaas oo mid kasta si lafa guran loogu gundo daadagay.

 

XOKGEEN oo doorkan mawduucyada uu xambaarsan yahay ay ka mid yihiin:

1)       Wada hadallada Somaliland iyo Somalia

2)       Farogelinta shisheeye ee Soomaaliya

3)        Hiddaha iyo dhaqanka oo ka hadlaya qodobbo xiiso badan oo ku saabsan guurka Soomaalidii hore.

4)       Caafimaadka oo ku saabsan cudurka in badan oo dadkeenna ka mid ah daashaday ee Xiiqda iyo weliba.

5)       Dhaqaalaha oo si waafiya u soo bandhigaya SABOOLNIMADU waxa ay tahay iyo tabaha looga bixi karo.

 

Haddaba akhriste ha moogaan XOGKEEN oo aad ka heli karto:

Dhammaan goobaha wargeysyada lagu iibiyo, Maktabadda Al-Hidaaya, Sacadu-diin supermarket, National Supermarkets (Indho birta), meheradda iibka ee shirkadda HITECH iyo xarunta wargeyska Geeska Afrika.

Comments are closed.