Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Galka Seefta Ka Saaro Bisha January 2015

0
541

Picture4

Hargeysa(Geeska)-Warar muddooyinkii u dambeeyay ay warbaahintu baahinaysay oo sheegayay in Madaxweyne Siilaanyo ku hawlanyahay isku shaandhayn iyo xil ka qaadis uu ku sameeyo golihiisa wasiirada, ayaa la sheegayaa inuu noqon doono bisha January.

Warar soo  baxaya ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo bisha January ee u horaysa sannadka cusub uu samayn doono isku shaandhayn iyo xil ka qaadis. Isagoo xukuumadiisa ku soo dari doona masuuliyiin cusub oo ka soo jeeda gobalka Awdal, iyadoo dhawaan ay odayaasha dhaqanka ee gobalka Awdal Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyeen sida ay uga aradanyihiin saami qaybsiga xukuumadiisa.

Madaxweynaha oo ka duulaya tabashadaas reer Awdal, ayaa la sheegay inuu samayn doono isku shaandhayn iyo xil ka qaadis, waxaana la filayaa in seefta Madaxweynuhu sahayato xubno hadda xilal ka haya xukuumadiisa.

Si kastaba ha ahaate dad badan oo reer Somaliland ah ayaa si weyn ugu dheg taagaya isku shaandhaynta iyo xil ka qaadista Madaxweynaha ee mudada bilaha ah la hadal hayay nooca ay noqon doonto.