Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Raysalwasaare Meles Zenawi Iyo Madaxweynaha Itoobiya

0
761

 

Picture2Addis Ababa (Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Itoobiya Girma Woldegiorgis iyo Raysalwasaaraha dalkaas Meles Zenawi.

Madaxweyne Siilaanyo oo laba habeen ka hor soo gaadhay magaalada Addis Ababa isagoo ka soo laabtay dalka Shiinaha, ayaa wuxuu Madaxweynaha Itoobiya kala hadlay xidhiidhka labada dal. Sida lagu sheegay war kooban oo lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Itoobiya, waxa ay labada dhinac ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Sida warku sheegay Madaxweynaha Itoobiya, wuxuu kulankaas ka sheegay inay Itoobiya taageero la garab taagantahay si loo ilaaliyo dedaalada socda ee lagu ilaalinayo nabadgelyada iyo weliba in horumar la gaadhsiiyo deegaanada ku xeeran.

Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ayaa isna dhinaciisa muujiyay sida ay Somaliland uga go’antahay inay sii xoojiso xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya labada shacab ee Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu sheegay inay Somaliland diyaar u tahay inay Itoobiya isticmaasho dekedda Berbera.

Dhinaca kale wuxuu Madaxweynuhu isla shalay kulan la yeeshay Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi. Warsaxaafadeed laga soo saaray Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sidan u qornaa “Madaxweynaha Dawladda Fedraalka ee Itoobiya Mudane, Girma Wolde-Giorgis, iyo Ra”iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Ethiopia Mudane Meles Zenawi ayaa maanta [shalay] kulamo gooni gooniya xafiisyadooda, qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftiga uu hogaaminayo oo ku sugan xarunta dalka Ethiopia ee Addis-ababa.

Ugu horayn Madaxweynaha dawladda Fedraalka ee Itoobiya Mudane, Girma Wolde-Giorgis, oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa, ayaa Labada Madaxweyne waxay kulankaa kaga wada hadleen xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya labada dal, ee arrimaha siyaasadda, nabadgalyada gobolka iyo guud ahaanba sii adkaynta iskaashiga & wax wada qabsiga labada dal.

Kulankaa labada madaxweyne ka dib, Ra”iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Ethiopia Mudane Meles Zenawi ayaa isaguna Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigiisa.

Ra”iisal Wasaaraha iyo Madaxweynuhu waxay si qotodheer uga wada hadleen xidhiidhka siyaasadeed, nabadgelyo iyo Dhaqaale ee labada wadan.

Madaxweyne axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ra’iisal wasaaraha uga waramay xidhiidhkan Cusub ee iskaashiga dhinaca dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee u bilawday Somaliland iyo Wadanka Shiinaha iyo Dalka Ethiopia.

Waxaanu ku dheeraaday Madaxweynuhu Muhiimada nololeed, dhaqaale, ee uu xidhiidhkani u yeelan doono Somaliland.

Ra’iisal wasaare Meles Zenawi ayaa isaguna dhiniciisa si weyn u soo dhaweeyey isla markaana xidhiidhkan maalgashiga ku tilmaamay mid muhiimad weyn u leh guud ahaanba mandaqada

Waxa Madaxweynaha kulamadan ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Madaxtooyada Mudane, Xirsi Cali X. Xasan, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud, Maareeyaha Dekedda Berbera Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL Mudane, Cali Axmed Cali, iyo Safiirka, Somaliland ee Addis Ababa Amb. Aden Nuux Duule iyo Safiir Ku-xigeenka Mudane, Ayaanle Salaad Diiriye.”