Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Si Taxadar Leh Uga Hadlay Heshiiska Xukumadu Sheegtay Inay La Galayso Shinaha & Itoobiya Iyo Hab Socdaaledka Madaxweynaha

0
774

 

 

yaaisn

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne-xigeenkii  hore ahna guddoomiye xigeenka xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa si uu taxadar badani ka muuqdo uga hadlay heshiiska ay xukuumadu sheegtay inay la saxeexan doonto Shiinaha iyo Itoobiya ee ku saabsan dekedda Berbera iyo imkaaniyaad kale.

Md. Axmed Yuusuf, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika,wuxuu sheegay inay faahfaahinta heshiiskaas ka sugayaan Madaxweynaha, “Heshiiskaasi horta waa mid xaasaasiya. Somaliland waa inay labada qaybood [Shiinaha iyo Itoobiya] ay mid heshiis toosa la gashaa oo aanay noqon macal qabad oo neefka marka la iibinayo nina wuu iibiyaa nina macashuu qabtaa. Markaa anagu waxaanu leenahay bal markuu madaxweynuhu yimaado haka bixiyo tafsiir kaamila. Markuu tafsiirkaa kaamilka ah bixiyo ayaa laga hadli karaa. Markaa waanu sugaynaa wuxuu la guryo yimaado madaxweynuhu.   Ayuu yidhi Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin.

Mar la weydiiyay sida uu u arko safarkii Madaxweynaha oo hab maamuuskiisa ay su’aalo badani ka dhasheen, wuxuu yidhi, “Taas waxba ka sheegi maayo oo waa cagga baruur, walina waa raad qaad.”

Sidoo kale wuxuu ka hadlay shirwaynaha xisbiga UDUB oo la qoondeeyay bisha September gudaheeda, waxaanu sheegay in xisbiga UDUB yahay mid garaad qaad ah oo aan looga baqayn khilaaf ka dhex qarxa, “UDUB  waa garaad qaad oo sidan qolooyinka kale noqon maayo oo kolay dhexdayda khilaaf iman maayo.” Ayuu yidhi.

Dhanka kale Md Axmed Yuusuf Yaasin waxaanu wax ka waydiinay rajada ay Udub ahaan ka qabaan inay mar kale ku soo baxaan tartanka xisbiyada ee dib loogu noqday, waxaanu naqdiyay diiwaangelintii, “Qolooyinkii soo abaabulay waxay yidhaahdeen bahashaas dib loogu gali kari maayo, imika waxaanu aragnaa in dabada aad looga riixaayo. Taas waan aragnay oo imika ilaa afar jiil way qaan gaadheen oo la doonaayo inay codeeyaan oo uu xaqoodi meesha yaalo. Markaa furaha ugu wayni waa diwaangelinta. Mida labaad anagu waxan ka hadalnay oo waxaanu qabanay dastuurkii 2001, 2002 waxaanu qabanay tii deegaanka, 2003 waxaanu qabanay tii madaxtooyada, 2005 tii golaha wakiilada, 2010-kii waa tii aanu qabanay tii madaxtooyada, anagu waxaanu leenahay waxanba hala isku geeyo oo taasi waa ta ugu fiican, oo dhaqaale ahaan iska xejin mayno, waxaanan u aragnaa in dhaqaale burbur la wado. Wadanki ayaa ku burburay oo dadka ayaa ku kala fogaanaya, markaa waxaanu leenahay doorashooyinka halaga dhigo laba jeer oo kaliya oo shantii sano ha dhacdo laba jeer.”

In doorashooyinka la soo koobo, waa fikrad ka dhex guuxaysa in badan oo ka mid ah bulshada, iyadoo laga shidaal qaadanayo in Madaxweyne kastaa shantiisa sanno ku dhammaysto doorasho uu qabto.