Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Dhawaaqay Inaanay Somaliland Ka Qayb Galay Shirka May Oo Uu Sheegay Inuu Somaliya Gaar U Yahay

0
465

 

Picture4Hargeysa (Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) , ayaa si cad u sheegay inaanay Somaliland ka qayb geli doonin shirka ay dawladda Ingiriisku Somaliya u qabanayso bisha May ee soo socota, kaas oo ay hoggaamin doonto dawladda Somaliya.

Madaxweyne Siilaanyo oo shalay ka soo noqday safar uu ku tagay wadanka Turkiga, waxa markii uu hadalkaas saxaafadda u sheegay loo tumay sacab badan oo lagu soo dhaweeyay go’aankaas.

Madaxweyne oo ugu horayn ka hadlaya safarka Turkiga ee uu ka soo noqday wuxuu yidhi  “Marka hore waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay in aniga iyo weftiga ila socdaaba aanu anaga oo nabad qabna dalkii hooyo ku soo noqono iyo dalkii oo nabad qaba intaba. Dalka Turkiga ayaanu aniga iyo weftiga ila socdaaba safar ku tagnay shan cisho ah. Wuxuu ahaa safar taariikhi ah, iyadoo ay ahayd markii ugu horaysay ee Madaxweyne Somaliland ahi dalkaas tago. Madaxda wadankaasi intooda badan waanu aragnay, waxaana ka mid ahaa kuwii aanu la kulanay Raysal wasaare Ku xigeenka, Wasiirka Khaarajiga iyo Wasiirka Macdanta iyo tamarta.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku ladhay “Raysal wasaarihii ayaan darro wakhtigii ugu dambaysay ayuu xunuun ku dhacay lama filaan ahi oo way noo suurto-geli wayday inaanu la kulano, laakiin madaxdii kale oo dhan baanu aragnay. Halkaasi wufuudii aanu ku aragnay, waxaanu uga waranay dalka xaalkiisa, taariikhda inaga dhaxaysa iyo waxyaabaha badan ee ay inala qaban karaan. Wefti Wasiirro ah oo naga sii horeeyayna way jireen.

Waxaanu ka wada hadalnay arrimaha tacliinta, caafimaadka, biyaha iyo horumarkaba. Wada hadal fiican baa na dhex maray, waxaanu ku balanay inay waxyaabo badan oo ay inala qaban karaan aynu ka wada shaqeyno oo ay wax inagala taageereaan dal ahaan.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in si dhakhso ah wufuud ka socota Turkigu ay booqasho ku iman doonaan Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Inshaalaahu waxaanu rajaynaynaa inay si dhakhso ah wufuudi inooga iman doonaan Turkiga. Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay sidii mar walba loo xoojin lahaa xidhiidhka labada wadan iyo inaanu dalkooda ka furano cid inoo ilaalisa maslaxadeena iyo danaheena intaba. Waxaanu rajaynaynaa inuu safarkaasi noqdo mid midho dhala oo wax badan oo faa’iido ah dalkeena iyo dadkeenaba u soo hooya,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha oo la weydiiyay sida uu u arko mid ka mid ah wargeysyada Turkiga ka soo baxa oo qoray war sheegaya in xukuumadda Somaliland ay xidhiidh la leedahay Al-shabaab, waxa uu ku jawaabay “Waxay ila tahay arrintaasi inay tahay hadal aanay waxba ka jirin. Madaxda turkigu ma qabaan inaanu AL-SHABAAB xidhiidh leenahay, nalamanay soo qaadin inaanu AL-SHABAAB xidhiidh leenahay, xidhiidh Somaliland iyo AL-SHABAAB leeyihiina ma jiro. Somaliland iyadaa u dagaalanta madax banaanideeda iyo qaranimadeeda. Iyadaa la dagaalanta argagixisadda iyo budhcad badeeda oo qaar badan oo ka mid ahi u xidhan yihiin. Arrintana wax hadal haya iyo meel lagu qoray midna ma aanu arag.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo go’aanka uu ka qaatay shirka Ingiriiska, wuxuu ku xaqiijiyay su’aal laga weydiiyay wax ka jira warar sheegaya in dawlada Qatar ay doonayso inay kaalin ka geysato wada hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi “Qatar wax naga soo gaadhay iyo wax nooga yimi midna ma jiro, wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya wax muddo badan socday ayay ahaayeen meelo badan ayaa laga soo hadal qaadaa, laakiin wakhtigan xaadirka wax barnaamij oo noo socdaa ma jiro.”

Isagoo madaxweynuhu hadalkiisa sii wata kana  hadlaya shirka Ingiriiska, wuxuu yidhi “ka Ingiriiska lagu qabanayo ayaa ugu dhawaa, kaasna waanagii nidhi marti-qaad dawladda Soomaaliya loo sameeyay weeye, marti-qaad Soomaaliya loo sameeyayna anagu ka qayb gali mayno shaqana kuma lihin, marka qodobo laga wada hadlayo oo gooni ahi ay yimaadaan, markaa xageeda ayaa laga wada tashan doonaa Insha Allah.”

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo wax laga waydiiyay shaqaaqooyin dhawaan ka dhacay deegaanadaa galbeedka Somaliland waxa uu yidhi. “Dalka waan ka maqnaa arrimahaasna, markaa Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sii joogay, dawladdu way ogtahay kolay halkaas dhibaatooyin way ka taagnaayeen, markastana dawladdu waxay ku dedaalaysaa sida ugu wanaagsan ee nabadgelyo lagu helayo oo dadka iyo dawladdu is-afgartaan, shacabka iyo dadka meel wada joogana la is-fahamsiiyo, iyadoo mar qudha natiijadii doonarashada ka soo baxday daawaynteeda mooyee aan doorasho lagu noqonayaa jirin, mar walba sidii dimuqraadiyadu ina fartay ciddii doorasho ku hesha ayuun baa leh.”