Eng. Jiciir Oo Guddoomiyaha Wadani Ku Gacansaydhay Xil Uu U Magacaabay, Daboolkana Ka Qaaday Inaanu Saddexda Xisbi Midna Ka Tirsanayn

0
607

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Maayarkii hore ee caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa beeniyay inuu ku biiray xisbiga Wadani, waxaanu daboolka ka qaaday inaan lagala tashan xilka uu Arbacadii guddoomiyaha Wadani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), u magacaabay.

Guddoomiye Cirro, ayaa Maayarkii hore ku daray guddiga dhaqaalaha ee xisbiga Wadani. Hase yeeshe Maayar Jiciir oo isagoo ku sugan magaalada London shalay telefoonka ugu waramay wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay inuu la yaabay markii uu magaciisa ku dhex arkay xisbiga Wadani. “Xilkaas maan ogayn malaa way ila jeclaadeene, si caam ahna xisbina inaan ka tirsanahay uguma aan dhawaaqin, markaas waan la yaabanahay, saaxiibaanu nahay ( Guddoomiye Ciro ) oo isku fasal ayaanu ahayn oo aad baanu isugu dheernahay,  laakiin isku halayn ayuun buu ugu qoraan u malaynayaa. Igalama uu tashan oo waliba gudidaas ayaan kaa dhigayaa imuu odhan, runtiina aniguna waxaan ku talo jiraa in aan Qaramada Midoobay la taliye ahaan ugu shaqeeyo, manaan doonayn inaan wakhtigan xisbi iyo waxaas ka muuqdo.” Ayuu ku jawaabay Eng. Xuseen Jiciir, oo uu Geeska Afrika su’aalay goorta uu xisbiga Wadani ku biiray iyo aragtidiisa xilka loo magacaabay.

Mar la weydiiyay bal in ka hor magacaabistiisa uu guddoomiye Cirro, wax xidhiidh ah la sameeyay, wuxuu ku jawaabay, “ Intii aanan xilka ka dagin iyo imikaba xisbiyada oo dhami way na xodxodanayeen laakiin si caam ah idinkuba waad ogaydeene midna ugumaan biirin, waxaana taas ka soo hor maray maadaama oo aan toban sanno hadda ku soo jiray siyaasada inaan ka nasto oo aan la taliye ahaan arimahan dawladaha hoose ugula shaqeeyo Qaramda Midoobay. Markaas arrinkaas ayaan raadsanaayay oo wakhtigan waan ka nasanayaa siyaasada, Cabdiraxmaana markii lay sheegayba telefoonkiisa ayaan raadiyay oo wuu xidhnaa waxaana lay sheegay inuu dhankan Yurub ku soo jeeday, markaas isagana waan la xidhiidhi doonaa arinkaasna waan ka cudur daaranayaa mana doonayo in xisbi iyo waxaas laygu shaanbadeeyo imika.”