Jamaal Cali Xuseen Oo Ku Baaqay In Xorriyadiisa Loo Soo Celiyo Boqor Raabi Oo Xidhan

0
452

 

Picture3Hargeysa( Geeska )- Musharaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah UCID Md.Jamaal Cali Xuseen, ayaa xukuumada ugu baaqay in xoriyadiisa loo soo celiyo boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi ama xukuumadu soo bandhigto danbiga lagu haysto.

Sida oo kale Jamaal Cali Xuseen waxa uu ku baaqay in sharciga loo sinaado oo xukuumad ay ilaaliso sharciyada dalka ee iyadu xukunka ay ku hayso lana xurmeeyo madaxdhaqameedka iyada oo danbi cad lagu hayo mooyaane.

Waxa uu sidan ku sheegay Jamaal Cali Xuseen qoraal kooban oo uu soo gaadhsiiyay warbaahinta waxaanu qoraalkaasu u dhignaa isaga oo dhamaystiran sidan. “ Waxaan Shakhsi ahaan ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland in la karaameeyo maddax dhaqameedyadda Somaliland iyadoo fal danbiyeed lagu haysto mooyaane. Waxaa afar todobaad ku xidhnaa magaaladda Hargeysa Boqor Raabbi Yussuf Cabdillaahi oo ka mid ah madax dhaqameedyadda Somaliland. Anigoo eegaaya sharciga waddanka ee odhanaaya in qof walba maxkmad la hor keeno oo lagu soo cadeeyo fal danbiyeedka uu galay, waxaan dawladda Somaliland ugu baaqayaa inay Boqorka lagu soo cadeeyo oo la shaaciyo fal danbiyeedka ku cadaaday ama xoriyaddiisa si deg-deg ah loogu soo celiyo. Xukuumadda waxay ummadda ka filaysaa inay iyaddu sharcigii dadka u kala hogaansamaayey ay iyadda qudheedu raacdo, Taasi macnaheedu maaha inay iyaddu sharciga ka sareyso, Waa inay ogaataa in ay ummaddu soo dooratay oo la ixtiraamay, taasina ay ka filayso in xukuumadda laftigeedu ay qadariso sharcigii lagu soo doortay ee iyadda kursiga saaray. Maaha in si aargoosiya uu sharcigu dadka qaarna u qabto dadka qaarna si khaldan loogu isticmaallo.

 Arrinka weliba madax dhaqameedyadda iyo dadka sharafta weyn bulshadda ka mudani waa inaan lagula deg-degin xadhigoodda inkastoo sharcigga loo wadda siman yahay. Sharciga meelna kagama taallo in madax dhaqameed bulshadda karaamo ku lihi in layska xidho oo magaaladda laga dhex qabto oo bahdilaad iyo karaamo darro lagu sameeyo oo layska haysto muddo afar todobaad ah. Haddii fal danbiyeed lagu haystanna in sharciga la hor keeno ayaa waajib ah, haddii kalena waa in si xurmo ku jirto loola dhaqmaa. Guntii iyo gebagebaddii waxaa looga fadhiyaa xukuummadda in Boqorka iyo dadka kale ee iska xidhan ee waxba lagu soo cadeynin in aan laga aargoosan oo aan laga dhex urin arrimo siyaasaddeed. Boqor Raabi waxa ka horeeyay, Boqor Buur-madow oo isagana aynu wadda ogsoonahay sidii loola dhaqmay, Ummadda Somaliland Cadaallad uun baa deeqda.”