Xukunka Somaliland Siduu Uga Shaqeeyaa Gudaha Lascanod? Wariye Ibraahim Qaasim

12
940

 

IMG_0323Laascaanood (Geeska)- Jawigu wuxuu ahaa ay naftu jeclaysanayso oo ah runtii noocyada aduunka ku yar!! Qiyaastii waxay ku beegnayd kow iyo tobankii subaxnimo. Waxaa dhacaysay dabayl aan kala go’o lahayn, magaaladuna ma dareensana, waxaadse mooday inay anaga gaar noo hayso.

 

Intiina aragtay uma baahan faah faahin, laakin waxaan dadka kale aynu jaanis u siino qaabka magaalada Laascaanood. Waa magaalo bixid iyo soo galin kaliya leh. Taas waxaan uga jeedaa waxaa ku yaala hal laami oo kaliya, kaas oo bariiyo galbeed magaalada uga baxa.

 

Waa magaalo qaab dhismeedku ka duwan yahay inta aan Somaliland ka soo maray, waxaa ku dool dad ku hadla luqad iyo afgarasho tira beelay, hadaanad hore u iman ama abti laguu ahayn labada galin ka hore hadii lagu iibin karaayo waa halkeeda.

 

Taas ugama jeedo magaalada waa laysku baadha ama laysku baadaa, waxaanse ka wadaa afka lagu hadlaayo oo tira beelay iyo qofka dhagweynta ah oo markaaba hadhuudhlaha lagu daraayo.

 

Magaalada Laascaanood oo ah magaalo taariikh ahaan qadiimi ah, isla markaana kaalin wax ku ool ah kaga jirtay deegaanada Somaliland waxaad ka dareemaysaa deganaansho, horumar iyo is dhex galka dhanka bulshada ah.

 

Waxaa laascanood ka jira horumar dhanka wanaagsan loo qaaday, kaas oo ah ilaalinta nabad galyada, waxaana marag ma doon u ah loolanka iyo kala jiidashada xiligan ka jirta gobolka dhexdiisa, taas oo salka ku haysa doorashooyinka golaha deeganka ee ururada.

 

Magaalada casarkii waxaa u badan hareeraha wadooyinka ciidanka kala duwan ee ku sugan gobolka, waxaanay had iyo jeer ku dadaalan sugida amniga guud.

Waxaynu eego doonaa qaar ka mida magacyada xaafadaha ku yaala magaalada Laascanood iyo waliba xaafadaha ay ka matalaan Hargeysa iyo Berbera.

 

1.Yogari Cadhootay

1.Maan dareemin

2.Tuulo qodox

3.Jaama laaye

4.Daami

5.Laanta hawada

 

Magacyada qaar ayaa xambaasran macne balaadhan, adiga ayaan kaaga hadhayaa fahamka nuxurka ku jira.

 

Hadaba waxaynu is dul taagi doonaa dhawr qaybood oo aynu hadba meel diirada saari doono:

 

1.Dawladnimada

 

Dhismaha dawladnimo waxaa lagama maarmaan u ah dawladaha hoose, kuwaas oo run ahaantii loo xil saaro maamul hoosaadka dawlada dhexe, isla markaana fulisa awaamiirta hadba loo igmado. Laascaanood waxaad markiiba arkaysaa guud ahaan magaalada oo laga wado dib u dhis balaadha. Waxaase meesha guud ahaan ka maqan kaalintii loogaa baahnaa dawlada hoose.

 

Magaalada Laascanood waxay leedahay hal laami, ninka yidhaahda waxaa ku yaala laamiyo kala duwan waa nin aan hore u arag, isla markaana aan dhex marin magaalada.

 

Waaba yaabe malaha dadka dagan magaalad ayaan jeclayn in xaafadaha dhexdooda laamiga laga sameeyo. Hogaamiyaasha milatariga ayaa inta badan farsamo ahaan u diida laamiga, iyaga oo ka baqa isku socod silisilad ah, kaas oo sahli kara ayey yidhaahdaan arrimo isku xig xiga oo dhawr ah.

 

Sidaas awgeed dadka reer Laascaanood waxay maankooda ku hayaan sidii ay mar uun u arki lahaayeen waxqabad iyo is badal muuqda. Dawlada hoose ee Laascaanood hadii ay waxqabad la timaado waxaa suurta gal noqon karta sida ay dad badani ii sheegeen wada shaqayn dhanka maamulka ah.

 

Dimuquraadiyada ka jirta magaalada Laascanood waxay gaadhay heer aad u sareeya, waxaanad ka garan kartaa rabitaanka shaqsiyaadka iyo ganacsiga xorta ah. Waxaad arkaysaa boodhadh lagu xardhay xarfo ka turjumaaya doonista shaqsiga ah. Sida ka muuqata sawirada.

 

 

 

2.Nabad galyada

 

Amaanka waxaabad moodaa magaaladii Hargeysa. Habeen ay taariikhdu ku beegnayd 2009-kii oo ahayd markii Laascaanood iigu horaysay, waxaan ku dhex arkaayey magaalada iyo tuulooyinka dhanka galbeed ka soo xiga dad shicib ah oo qoryo ku jeeni qaaran. Maantana waxaad arkaysaa askar, ciidanka nabad galyada wadooyinka oo laamiga dhinac taagan, baabuurtana kala hagaaya.

 

Taasiba waa mid lagu diirsan karo, waana mid mahad naqeeda ay leeyihiin dadweynaha, sababtoo ah nabad galyada cida ku nooli waa shicibka, cida keentaa inta ilaahay ka sokoysaana waa dadweynaha.

 

Odayaasha iyo waxgaradka magaalada oo aan qaar ka mida la sheekaystay ayaa ii sheegay inay jiraan dad yar yar oo inta caqliga laga xado dadka loo adeegsado, waxaanay intaas iigu dareen in hada arrintaas xal laga gaadhay oo halka ay salka ku hayaan la ogaaday.

 

3.Ganacsiga

Magaalada Laascaanood waxaa si xawli ah uga socda dhaq dhaqaaqa suuqyada, waxaana inta badan aad ku arkaysaa goobaha ganacsiga iyaga oo u shaqaynaaya sida magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

 

Isku socodka gaadiidka oo qayb lixaadle ka qaatay isku fududaynta dhaqaalaha gobolka ayaa kaalin muhiima kaga jiray kobaca dhaqaale ee magaalada Laascanood.

 

Magaalada waxaa ka hana qaaday shirkado door muuqda ku leh gudaha gobolka Sool, gaar ahaana magaalada Laascaanood. Shirkadahaas waxaa ka mida, Dahabshiil, Telesom, Somtel, Golis iyo shirkadaha waaweyn ee keena badeecooyinka daruuriga ah.

 

Magaaladu waxay leedahay gaadiidka dadweynaha, kuwaas oo inta badan u kala baxa gudaha magaalada iyo tuulooyinka hoos yimaada, waxaana Laascaanood gudaheeda ka shaqeeya mini bus-ka yar yar ee loo yaqaano Caasiga iyo gaadiid kale.

 

Dadweynaha ku dhaqan Laascaanood waxay isticmaalan lacagtii hore ee laga badalay Somalilandee Somaliya, taas oo leh ahmiyada koowaad. Waxaa soo raaca lacagta Shiling-ka Somaliland oo isna laga isticmaalo, waxaa kale oo soo raaca doolarka oo isna kaalinta saddexaad ku jira.

 

4.Siyaasada

 

Arrimaha siyaasada ee gobolka waa kuwo u baahan qormo gaar ah, waxaase si toosa uga shaqeeya siyaasada iyo ajandaha xukumada Somaliland. Reer laascaanood waa dad siyaasad qabow oo hore uma fahmi kartid rabitaankooda, hase ahaatee waxaa xaasil ah in ay Somaliland nabdiga ka rabaan.

 

5.Dhismaha Magaalada iyo waxbarashada

 

Waxay magaaladu si balaadhan ugu sii fidaysaa dhanka bariga, koonfurta iyo waqooyiga magaalada, iyada oo ay jiraan dhismayaal aad u qurux badan oo laga bineeyey koonayasha iyo gudaha magaalada Laascaanood.

 

Goobaha waxbarshada ee aan aadka ugu bogay waxaa ka mid ahaa jaamacada caanka ka ah gobolka Sool ee Nugaal Universityoo ku taala badhtamaha magaalada. Waxaa kale oo jira dugsiyo sare iyo kuwo hoose dhexe oo magaalada ku yaala, kuwaas oo magacyo kala duwan leh.

 

 

 

Mahad Naq

 

Runtii waxaanan marbnaba ilaabi karin raga aadka iigu dheer ee magaalada Laascanood sida weyn iigu soo dhaweeyey, isla markaana aanu isku shaqada iyo mihnada nahay.

 

1.Cabdiraxmaan Cali Ducaale. Waa shaqsi runtii aad iigu dheer, waxaanu gudoomiye u yahay saxafiyinta Somaliland ee gobolka, waana wakiilka Horn Cable Tv ee Sool

2.Cabdikariin Cabdilaahi Bile (Olol) oo ah wakiilka Somali Channel ee Sool.

3.Barkhad Cumar Axmed (John) oo ah wakiilka Tv-ga qaranka ee gobolka

4.Axmed Saakin Faarax oo wakiilka Univeral Tv ee gobolka Sool, shaqsiyad aan inaba caadi ahayn.

 

 

Ibrahim Qaasim

Laascaanood-Somaliland

Qaasnin05@hotmail.com

Comments are closed.