Magacyada Guddiga Uu Madaxweynuhu U Magacaabay Qaban Qaabada Xuska 18 May

0
594

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay  magacaabay Guddi balaadhan oo uu u xil saaray abaabulka munaasibadda 18-ka May ee 22 guurada ka soo wareegtay la soo noqoshada madax-banaanida Somaliland.

Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeeduna tahay JSL/M/MG/241-1695/042013 ku magacaabay Gudi heer qaran ah, qaban-qaabada Xuska 18-ka May. Gudidaas oo ka kooban 11 xubnood waxa Gudoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur).

Magacaabid Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May ee Madaxweynuhu Magacaabay:-

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye)
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta
Wasiirka Wasaaradda Wax-barashadda iyo Tacliinta Sare
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigga iyo Khayraadka Badda
Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka laga tirade badan yahay

Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac

Ujeeddo: Magacaabid Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

Mudaneyaal iyo Marwooyin, Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebbe idmo Xuska sanad guuradda 22aad ee maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.

Sidaas darteed, waxa aan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sanad-guuradda 22aad ee maalinta Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qaranimo iska saari doonnaan xuska maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxa aan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.”