Gudiga Dorashoyinka Oo Sheegay Inay Shirkad Maraykan Ah Qandaraas Ku Siiyeen Nooca Diiwaangelinta Dalka

8
702

Picture6Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka komishanka doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi (Geele),ayaa daboolka ka qaaday inay qandaraaskii koowaad ee qiimaynta dhaqaalaha iyo nooca diiwangalinta ee Somaliland laga samaynaayo ay siiyeen shirkada Creative Associate.

Waxa uu daboolka ka qaaday inay shirkaadaasu hawlaheeda bilaabi doonto bisha koowaad ee sanadkan cusub,waxaanu ugu baaqay qaadhan bixiyayaasha iyo xukuumaddaba inay diyaariyaan dhaqaalhii diiwaangalintaas lagu gali lahaa.

Sida oo kale waxa uu afhayeenka komishanku sheegay in ay wadaan isa sixitaan, isaga oo rajeeyay in arimahu dhanka wanaagsan u socon doonaan.waxaanu sidan ku sheegay afhayeen Geele shir jaraa’id oo warbaahinta kula hadlay waxaanu isaga oo ka hadlaayay shirkadaas ay qandaraaska siiyeen uu yidhi “Shan shirkadood oo tartamay kadib waxa ku guulaysatay shirkada Creative Associate oo Maraykan ah,waxay is waydiintu tahay maxay qabanaysaa? waxay darsaysaa sidii aynu diiwaangalin wanaagsan u samayn lahayn,qorshiina way dhigaysaa iyo qiimaha ku baxaaya, oo imika ahaan intaas ayay ku koobantay. Markaas waxay samayn doonaan sadex nidaam oo kala duwan oo la raaco, midi waa ta aynu jecelnahay oo waa iyada oo la isticmaalayo qalabkii oo dadka faraha laga dhigaayo, oo wajiyadii laga dhigaayo, oo farahii laga reebayo, si aanay sidii waagii hore u dhicin. Mar waxay samaynayaan oo ay leeyahiin Afrika wadamo badan oo aan kombiyuutarada iyo waxaas isticmaalin oo nidaam gacanta lagu qorlo la sameeyo kaasna qiimahiisa way eegayaan, waxa kale oo ay eegayaan iyo nidaam isku dhaf ah, sadexdaas nooc ayay inoo soo dhigayaan, inaga waxa inoo daran oo aynu u sheegnay waxa qabta dadka dhawr goor is diiwaangalinaaya oo ay mushkiladeenu tahay,waxaynu dooran doonaa markaas kii ina anfaca maraynu isku wada nimaadno,waxaanu qabnaa anagu marka halkaas la gaadho in aanan ka filayn dawlad iyo qaadhan bixiyayaasha toona inay anaga oo heerkaas joogna ay yidhaahdaan lacag ma hayno,halkii u danbaysay ayaanu soo gaadhnay oo waxay noqonaysaa in la helo dhaqaalihii, wakhtigu waa uu soo cidhiidhmayaa waana in aanu hayno sanadkan 2014-ka aakhirkiisa liiska cod bixiyayaasha, markaas waxaanu ka codsanaynaa bulshada caalamka iyo dawladeenaba inay aad uga hawl galaan qiimaha halkaas ka soo baxa in kharashkiisa la doono. Markaas intaas ayaanu idiin sheegaynay inaan qandaraaskaas bixinay oo sanadka cusub ay shirkadu inoo imanayso bisha koowaad,markaas ayaynu bixin doonaa qandaraaskii weynaa ee cidii qaban lahayd diiwaangalinta aynu galaynaa.”

Afhayeen Geele oo ka hadlaayay isa sixitaan  uu sheegay inay wadaan ka komishan ahaan waxa uu yidhi“Komishan ahaan dib u habayn ayaanu ku jirnaa, ceeb ka saliin ma nihin oo qaladaad ayaa dhacaaya oo aadme ayaanu nahay, waxanaan ku jirnaa inaan dib isku saxno.”

 

Comments are closed.