Xasan Ciise Oo Soo Bandhigay Han Uu Ku Samayn Karo Xisbi Haysta Cududa Shacabka Oo Ka Dhasha UCID Iyo UDHIS Iyo Jawaabta Faysal Cali Waraabe

4
766

 

Hargeysa, (Geeska)- Xaflad loogu wanqalayey urur siyaasadeedka UDHIS kana soo qeybgaleen masuuliyiin taariikho kala duwan ku leh Somaliland ayaa shalay ka dhacday hotelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa.

Xafladan oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay kana soo  qeybgaleen taageerayaal gaadhayey boqolaal isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa waxa joogay labadii madaxweyne-ku-xigeen ugu horeeyey Somaliland, Muj. Xasan Ciise Jamac iyo Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Muj. Ibraahim Cabdillahi Xuseen (Dhegaweyne), masuuliyiinta ugu sareysay UDHIS, Gud. UCID, Faysal Cali Waraabe, Afhayeenka UDUB, Muj. Cali Guray, Salaadiin iyo martisharaf kale oo lagu casuumay xafladaa.

Xafladaa oo masuuliyiin kala duwan hadalo ka soo jeediyeen ayaa ugu horeyn, Muj. Xasan Ciise Jamac, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay sida loogu baahan yahay in ururo waxqabad leh saaxada ku soo biiraan, “Ururo badan oo yar yar ayaa lagu dhawaaqay oo waad ka war haysaan kuwo kalena way soo socdaan, waxaan idin xusuusinayaa hadal aan khayriyada ka idhi dhammaadkii sagaashameeyadii waxaan idhi waagaas niman yahow dhibaatada wadamadan soo koraya haysta, afrika haysata iyo carabtii haysata, sadexdaasi ayaa maanta dunida ugu liita inaguna sadexdiiba waynu nahay saddexdii koob ee adduunka ugu liitay ayaynu isku darsanay. Hawsha ina sugaysaa walaalayaal ma yara.” Ayuu yidhi Xasan Ciise, waxaanu intaas raaciyay “Dhibaatooyinka ugu badan siyaasadda waxa ka mid ah raggii siyaasadda inoo bilaabay ee Ingiriiska ka dambeeyay dariiqay mariyeen bahasha, siyaasiyiintii gumaysiga gobanimada ka qaaday shay keliya ayay siyaasadda ka barteen. “Soomaalidu waa ta tidhaahda ninkaad kabo ka tolanaysa kabihiisa ayaa la eegaa, siyaasiyiinta kabahooda lama eego kabaha ugu quruxda badan ayay kuu soo xidhanayaan, waxa la eegaa ficilkoodaa, odhaahdooda dhuux, laakiin ficilkooda eeg kaas ayaa lagu kala baxayaa oo aad xaqiiqada ka helaysaa, dariskii ay ka barteen Gumaystihii waxay ahayd qeybi oo xukun. Dhammaadkii sagaashamaadkii ayaan idhi waa in aynu arrintaas ka tashanaa ina dishaye, sababtoo ah gumaysigu wuxuu inaga inagu maamuli jiray qaybi oo xukun waayo wuxuu inoo arkayay cadow oo wuxuu doonayay inaynaan weligeen madaxa la soo kicin oo wuxuu inagu riday nukliyeer siyaasadeed oo ah qaybi oo xukun. Siyaasiyiinteenii qaybi oo xukun ayay ka barteen, haddii aad tidhaahdo waan qaybinayaa si aad u maamusho dee dadkii jebisay, hub loogu tallo galay dadkaaga maaha ee waa hub loogu tallo galay nacabka iyo cadowga, haddii aynu doonayno inaynu arrintaas wax ka qabano ururadan badan ee lagu dhawaaqay iyo kuwa soo socdaba waa inaynu meel isugu gaynaa.”

Ugu dambayn Xasan Ciise, wuxuu guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe, u soo jeediyay inuu hormuud u noqdo sidii loo midayn lahaa ururada cusub iyo xisbiga UCID si uu cudud u noqdo, waxaanu yidhi  “Waa inaynu ka tashanaa oo meel iskugu geynaa haddii ALLE yidhaahdo, waxaan soo jeedinayaa oo aan madaxda UDHIS iyo UCID-ba kala hadlay waxaan doonayaa in labadaasi urur hormuud ka noqdaan sidii ururadan yar yar ee badan waynu ku jabaynaaye’e oo dantii qaranku sidaasi kuma jirtee inaynu meel isugu gayno waa haddii ay inaga dhab tahay danta dalka iyo dadka ayaanu ku shaqaynaynaa waa inaynu meel isugu gaynaa. Waxaan u soo jeedinayaa Faysal Cali inuu arrintaas madax ka noqdo, nin maanta xisbiyada uga waayo aragsani ma jiro, waayo araganu waa jaamacadda koowaad ee adduunka. Inuu artinaas hoggaamiyo oo uu madax ka noqdo ayaan soo jeedinayaa, UDHIS-na ay ku taageerto, kuwo kalena raadiyaan oo ay u yeedhaan oo ay xoogooda mideeyaan oo aynu samayno ururkii wadanka ugu xoogga weynaa.” Aragtidan midaynta ururada ah ee uu Xasan Ciise Jaamac, soo bandhigay ayaa ah qorshe ka maqnayd ururada iyo xisbiyada, haddii ay hirgashana waxa samaysmi doona xisbi aan la sii saadaalin oo haysta cududa bulshada oo ah cidda tartanka siyaasiyiinta ka garsoorta.

Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi  “Waxaynu halkan aynu iskugu nimid inaynu ku dhawaaqno ururkan UDHIS oo muddo la soo waday oo laga shaqaynayay si uu u noqdo urur taabo-gal ah oo ummadda reer Somaliland u qalma. Ururkan UDHIS ma aha urur qabiil, gobol, mid qof leeyahayna ma aha, ururkani waa mid qaranku wada leeyahay oo min bari ilaa galbeed, dhalinyaro iyo waayeel, rag iyo dumar waa mid u furan oo aan laga lahayn.”

Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Somaliland waxa uu sheegay in ururadan badan ee lagu dhawaaqay ay keentay waayo aragnimo la’aan “Inaga nidaamkan axsaabta badani wuu inagu cusbaa oo kaacaakufkiisa ayuu leeyahay, sadexdii xisbi ee hore eed iyo canaan midna ma leh waxay ahaayeen biimo oo iyagaa lagu  biimeeyay nidaamkan.sidaasi darteed, khaladaad iyo saluug intuba wuu yimid waayo waxan ayaa wax inagu cusub ahaa. Waxa loo baahanyahay in laga faa’iidaysto kuwan dambe oo laga faa’iidaysto saluugaas yimid ee xisbiyadii hore la saluugay ee salka ku lahaa cusboonaanta iyo waayo aragnimo la’aanta in laga faa’iidaysto waxyaabihii khaldamay oo ay ururada cusubi soo kordhiyaan wax ka duwan khaladaadkii hore ee la galay. Waxaan isleeyahay uurka UDHIS wuxuu ku soo kordhin doonaan saaxadda siyaasadeed ee Somaliland waxyaabo badan ooay ka mid tahay Dimuqraadiyad dhexdiisa laga hirgeliyo, wada tashi iyo wada lahaansho wadareed.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inaanay soo marin maalinta uu maanta Somaliland uga war war badanyahay  “Maalin aan manta Somaliland uga warwar badanahay ma jirto, waxay ku dhacaysaa waxa weeye wixii isku keen hayay ee xabagta ahaa oo ahaa distoorka ayaa halkaas la iska dhigay, haddii aynu distoorka ilaalin weyno wax ina kala qabanayaa ma jiro. Waxa muuqata inaan distoor lagu shaqaynayn ee ay hebel lagu shaqaynayo. Madaxweynuhu waa inuu wixii xeer ah ee distoorka ka soo horjeedo ka soo qaado wax dhigo, ilaa Siilaanyo intuu Madaxweynaha noqday wuxuu saxeexay xeerar distoorka ka soo horjeeda haddaanu maxkamadda gaynaynaa ee waad arki doontaan.” Ayuu yidhi Faysal.

Faysal Cali Waraabe, wuxuu soo jeediyay in ururka UDHIS garab istaagi doono xisbiga UCID oo uu tilmaamay inuu ku keliyaystay ilaalinta qaranimada, “Ana waxa igu socda gantaalo igu keliyaystay. Markaas waxa weeye waxaynu u baahanahay inaynu helno cid kale oo UCUD is garab taagta oo joojisa urtan socota ayaan doonaynaa. Waxa soo baxay rag la caqli ah abu jahal oo  la ogyahay inuu isagu diinta, kitaabka iyo nebiga SCW diiday, waxa soo baxay dad aan xeerka iyo sharcigaba u joojin sidii abu jahal kitaabka ugu joojin waayay haddii aynaan kuwaas qabana dee waynu is dilaynaa. “

Isagoo ka jawaabaya dalabka Xasan Ciise, wuxuu yidhi “Annagu gogoshii way banaantahay, UCID waxay diyaar u tahay murashaxnimada markay timaado qofkaanu isleenahay xisbigana wuxuu gaadhsiinayaa guul dalkana wuu wadi karaa inaanu gacan siino.”

 Mujaahid Ibrahim Dhegaweyne, oo isna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay qaabka ururkani u dhisanyahay waxaanu yidhi  “Ururkan UDHIS wuxuu u taagan yahay urur wixii hore wax ka bedela waxaynu u baahan nahay waa sharciga aynu raacnaa, haddii aan ururka sharciyadiisa la sixin dawladnimo sixi maysid. Walaal waxaanu ummadda u soo bandhigaynaa inay sharcigayaga akhriyaan oo ay na soo dhaliilaan intaan shirweynaba aan la qaban.”

 

Comments are closed.