Madaxweyne Siilaanyo Oo Hanjabaad Kaga Jawaabay Daandaansiga Dawlada Somaliya Ee Ku Waajahan Qaranimada Somaliland

0
527

 

Picture2Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay safar ugu socdaalay dalka Turkiga, waxaanu sheegay inuu martiqaad rasmi ah ka helay raysalwasaaraha Turkiga.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ku hanjabay inaanay Somaliland xorriyadeeda kula soo noqon bilaash balse ay cudud kula soo noqotay.

Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay  ku qabtay Madaarka Hargeysa ka hor intii aanu u kicitimin socdaalkaas Turkiga.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ugu waramayay saxaafadda ayaa ka warbixiyay socdaalkiisa, waxaanu yidhi “Aniga iyo weftiga illa socdaa waxaan u baxaynaa safar aanu ku tegayno dalka Turkiga, halkaasi oo aanu marti qaad rasmi ah ka helnay raysal wasaaraha dalka Turkiga. Wefti wasiirro ah oo dalka Turkiga joogaana way naga sii horeeyaan, dalka Turkigu waa dal wayn oo aynu taariikh badan wadaagno, waa dal wax badan ay inagaga xidhmi karaan, waxaanan doonaynaa in aynu xidhiidh fiican dhinacyo badan leh la yeelano, sidaas darteed marti qaadkaa aanu ka helnay ayaan ku tegaynaa, Waxaanan illaahay ka baryaynaa in uu nagu soo guuleeyo oo danaha aanu ka leenahay ee labada dal ka dhexeeya si wanaagsan isula meel dhigno.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Safarkani waxa uu ka mid yahay dhaq-dhaqaaqa badan ee ay dawladu samaynayso ee ay dunida kula xidhiidhayso si aynu qadiyadeena iyo daneheena kale uga dhaadhicino dunida inteeda kale,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay sida uu u arko cuno-qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaliya iyo hadal ka soo yeedhay Raysalwasaaraha Somaliya oo uu ku sheegay inay xoog ku qabsan doonaan Somaliland, waxa uu yidhi “Dawlada Soomaaliya waxay ahayd dawlad dunidu ictiraafsan tahay, wax cusub ma aha in dawladda Soomaaliya ee hada la icitiraafo. Cuna qabataynta hubka ee laga qaadayna waa mid aanu aad iyo aad uga xunahay dhibaatada ay noo keenayso, laakiin annagu ma hayno meel ay dawladda Soomaaliya ku tidhi xoog ayaanu ku dhacsanaynaa, xoog ayaanu ku midaynaynaa iyo dagaal ayaanu ku qaadaynaa, sida kale ayay u tidhaahdaa hawlaha wada hadal ayaanu ku dhamaysanaynaa .”

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray “Anaguna wada hadal dan kama lihin awalba waanu wada hadlaynay, hore ayaanu isugu nimid meel ay dunidu joogto, wadahadal wax kama qabno ee wadahadal loo siman yahay oo ay Somalilland gooni isu taageeda iyo qaranimadeeda ku muujinayso oo ay u cadaynayso cid kastaba.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Somaliland leedahay ciidan difaaca oo ku filan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Daafacaad haddii ayn noqotana Somaliland way leedahay ciidan ku filan iyo dad ku filan oo xoriyadooda ilaashadda, markii horena Somaliland xoriyadeeda bilaash laguma siine’ xoog ayay kula soo noqotay.”

Waxa dalka Turkiga ku sii sugan wasiirada arrimaha dibadda, waxbarashada iyo macdanta iyo biyaha, shalayna waxa sii raacday wasiirada madaxtooyada iyo dib u dejinta.

Madaxweynaha ayaa toddobaadkii hore baajiyay safarkan, waxaanay xukuumadu sheegtay in dib u dhaca madaxweynaha ay sabab u ahayd raysalwasaaraha Turkiga oo ku mashquulsan hawlo culus.