Guddiga Doorashooyinka Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Sida Loogu Baahanyahay In Dalka Laga Hirgeliyo Diiwaangelin, Doorashooyinka Ka Hor

1
569

 

Picture3Hargeysa( Geeska )-Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Md.Ciise Yuusuf Maxamed, ayaa ugu baaqay madaxweyne Siilaanyo sidii loogu hawl gali lahaa in diiwangalin doorashooyinka soo socda lagu galo.

Waxaanu gudoomiyahu ku taliyay in wakhti hore arintaas la galo si wax badan looga qaban karo, oo ay ka mid yahiin qabyo tir sharci, eegitaanka qaabka khubaradu u samayn karto diiwangalin iyo war galinta deeq bixiyayaasha wakhti ku filan.

Waxa uu sidan gudoomiye Ciise Xamari ku sheegay qoraal aan warbaahinta loogu tallo gelin oo uu u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland bishan March, waxaanu qoraalkaas oo wargelin la siiyay xisbiyada, shirgudoonada guurtida iyo wakiilada, wuxuu u qornaa sidan: “Mudane madaxweyne sida aad ku war qabtid waxa sharci ah in doorashooyinka soo socda lagu galo diiwaan galin, sidaas awgeed waxa loo baahan yahay inay ka wada socdaan qaban qaabada dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka oo kala ah

Axsaabta Qaranka,

Xukuumada,

Komishanka doorashooyinka qaranka,

deeq bixiyayaasha

iyo goleyaasha sharci dajinta.

Arrintan oo u baahan qabyo tir xaga sharciga ah iyo xaga dhaqaalahaba ah, una baahan si loo qorsheeyo muddo ka hor intaan waqtigu ina soo guda galin, hadana sida ugu dhaqkhsaha badan si gaar ah loogu talo galiyo qorshaynta iyo qiimaynta khubaro caalami ah, lana war galiyo deeq bixiyayaasha si ay ugu darsadaan go’aanka iyo qoshayntaba miisaaniyadooda waqti ku filna u helaan, loona baahan yahay qoraal wargalin iyo qorshaynba in loo gubiyo hadda.”

Comments are closed.