Uhuru Kenyatta Oo Noqday Madaxweynaha Kenya Iyo Aragtida Dawladaha Maraykanka Iyo Ingiriiska

0
574

 

Picture1Nayrobi(Geeska)-Natiijada rasmiga ee doorashada madaxweynenimada Kenya ayaa loogu dhawaaqay  in Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay.

Gudiga doorashada ayaa sheegay in Mr Kenyatta uu helay 50.07%  codadka. Looma baahnaan doono wareeg labaad ee doorasho. Madaxweynaha Kenya Miwa Kibaki ee talada sii haya, ayaa bogaadiyay madaxweynaha la doortay, waxaanu sheegay inay xil wareejintu u dhici doono si nabadgelyo ah.

Gudoomiyaha gudiga doorashada Isaaq Xasan, ayaa sheegay in doorashadu ay u dhacday si aan qarsoodi lahayn inkastoo ay jireen dhibaatooyin xaga farsamada ah. Wuxuu gudoomiyuhu sheegay in boqolkiiba siddeetan iyo lix dadka ay codeeyeen.

Mr. Uhurru Kenyatta, oo uu weheliyeen xaaskiisa iyo  ku xigeenkiisa Mr. William Rutto, ayaa guddiga doorashada ka guddoomay shahaado cadaynaysa inuu noqday madaxweynaha shanta sannadood ee soo socda ee wadanka Kenya, waxaanay taageerayaashiisu isla oogsadeen mashxarad iyo dabaal deg. Waxaanu sheegay inuu ku faraxsanyahay inay dadka Kenya aamineen.

Ma aqbalayo

Raila Odinga oo helay ilaa 5.3 milyan oo codad ayaa sheegay inaanu aqbali doonin in laga guulaystay, oo uu maxkamada sare dacwadiisa gayn doono. Wuxuu sheegay  sharci daro badan inay dhacday oo dimoqraadiyadu ay khatar ku jirto. Laakiin Odinga wuxuu ka digay in dagaal aanu fiicnayn, waxaau guud ahaan shacbiga Kenya ugu baaqay inay sharciga xurmeeyaan, islamarkaana ay u ogolaadaan maxkamadda sare inay go’aamiso doorashada.

Bulshada Caalamka

Dawladda Maraykanku hore ayay uga digtay doorashada Uhurro Kenyatta, waxaanay muujiyeen walaaca ay ka qabaan haddii doorashada uu ku guulaysto nin ay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee adduunku dacwad ku oogtay. Hase yeeshe xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Mr. John Kerry, ayaa dhambaal kooban oo uu shalay soo saaray wuxuu shacabka reer Kenya ku bogaadiyay nabadgelyada ay ku codeeyeen, waxase uu ka dheeraaday inuu magacaabo madaxweynaha cusub ee Kenya amaba uu bogaadiyo. “Maraykanku wuxuu ku faraxsanyahay inuu arko go’aanka shacabka Kenya ay ku cadeeyeen doorasho xor iyo xalaal ah.” Ayuu yidhi Mr. Kerry, waxaanu ugu baaqay xisbiyada inay jid nabadgelyo oo sharci ah u maraan haddii ay wax ka qabaan natiijada doorashada.

Wuxuu Mr. Kerry, intaas ku daray inay Kenya tahay saaxiibka Maraykanka, “Waxaanu sii wadi doonaa inaanu saaxiib xoog badan u noqono dadka Kenya.”

Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mr. Mark Simmonds, ayaa isna bogaadiyay natiijada doorashada, waxaanu murashixiinta cabashada muujinaysa ugu baaqay inay tabashadooda u maraan jid sharci ah.

Ms.Jendayi Frazer, oo ahayd kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ee Afrika ee ka horeeyay Mr. Johnie Carson, ayaa iyaduna sheegtay inay aaminsantahay inaanu Maraykanka waxba ka bedeli doonin siyaasadiisii Kenya, sidoo kalena aanay Kenya waxba ka bedeli doonin siyaasadeedii, maadaama oo ay labaduba isu baahanyihiin. “Kenyatta [Madaxweynaha la doortay] wuxuu ogyahay inuu u baahanayahay Maraykanka, Maraykankuna wuu ogyahay inuu Kenya u baahanyahay. Sidaas darteed waxaan isleeyahay waxba iskama bedeli doonaan mawqifkayagii Kenya, dhinacoodana waxba iskama bedeli doonaan.”

Shacabka Kenya

Mar haddii ay inta badan ee shacabka Kenya u codeeyeen Mr. Uhurru Kenyatta, waxa halkaas ka cad inay farriin u direen reer galbeedka iyo maxkamadda caalamiga ah, oo ay u sheegeen in haddii ay iyagu u arkaan Mr. Uhurru dambiile ay shacabka Kenyana u arkaan geesi ay mustaqbalkooda ku aamini karaan.