Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddi U Saaray Fulinta Go’aankii Baliga Diiriye Guuleed

0
584

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaany) ayaa Gudi u saaray Fulinta Go’aankii Golaha Guurtidu ka soo saareen Sanadkii hore Shaqaaqadii ka taagnayd deegaanka Bali Diiriye Guuleed ee Waqooyiga Burco .

 Madaxweynaha oo Kulan la qaatay Odayaasha deegaanka Bali Diiriye ayaa sheegay in Go’aankaasi fulintiisu raagtay aanay ahayn Canaad xaga Dawladda ah ,ee ay doonayaan in Go’aankaasi Fulo ,isla markaana dadka deegaanka la walaaleeyo ,si ay nabad-gelyo ugu wada noolaadaan Labada beelood ee halkaasi iska hor-imaadku ku dhex-maray. 

Sidoo kale Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isaguna u sheegay Odayaasha Bali Diiriye in aanu jirin wax hortaagan  Fulinta Go’aankaasi ,maadaama uu yahay Go’aan Gole Guurti . 

Liiska Magacyadda Gudiga Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Fulinta Go’aanka Bali Diiriye ee Guurtidu soo saartay ayaa kala ah . 

1)    Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cade.

2)    Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi.

3)    Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan).

4)    Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo).

5)    Guddoomiyaha Hay’adda Abaabul Ka Saarka Qaranka Jamaal Cadydiid Ibraahim.

6)    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax.