Cabdifataax Oo Cadaadis Ka Dib Laga Baajiyay Is Casilaadii

0
476

Picture5Hargeysa(Geeska)- Xubinta xisbiga UCID ugu jirta guddiga doorashoyinka qaranka Md. Cabdifataax Ibraahin Xasan ayaa ka noqday iscasilaad uu doonayay inuu kaga fadhiisto shaqada oo la sheegay inuu Salaasadii doraad dalbaday.

Wargeyska Geeska Afrika, ayaa cadadkiisii shalay baahiyay in Mr. Cabdifataax uu is casilay. Hase yeeshee cadaadis ka dib waxa Cabdifataax lagu qanciyay inuu ka noqdo is casilaadda uu kaga tagayo shaqada guddiga doorashooyinka qaranka. Ilo xogogaala ayaa sheegay in dhinacyada culayska saaray ay ka mid yihiin xisbiga UCID iyo sidoo kale dad kale  oo reer Somaliland ah, waxaanu warku sheegay in Mr. Cabdifataax uu sidaas kaga noqday is casilaadiisa oo aanu marka horeba ku gudbin qoraal rasmi ah balse uu afka ka sheegay.

Cabdifataax oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu xogo dheeraad ah ka helo ayaanay noo suurtogelin, waxase la ogyahay inuu Cabdifataax Ibraahim Xasan sidoo kale hore uga tirsanaa guddigii hore ee doorashooyinka qaranka.