Madaxweyne Siilaanyo Oo Furay Shir Lagu Hagaajinayo Cadaaladda Iyo Garsoorka Iyo Walaaca Uu Muujiyay

0
753

 

lanyoHargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay magaalada Hargeysa ku daah furay shir lagu toosinaayo garsoorka iyo cadaalada Somaliland, isaga oo madaxweynuhu xusay in cadaalada darida ka jirta Somaliland ay tahay tii ugu xumayd ee soo marta mudadii ay jirtay.

Shirkaas ayaa ah mid socon doona mudo laba maalmood ah, waxaana ka soo qayb galay dhamaan maxkamadaha gobolada dalka iyo dagmooyinka, wasiirka cadaalada ee cusub iyo wasiirkii hora hawlaha guud iyo guryeynta, wasiiro ka tirsan xukumada, aqoon yahanada jaamacada ee dhanka sharciga iyo cadaalada,  culima awdiin, haween dhalinyaro iyo hay’addaha garsoorka iyo cadaalada qaabilsan ee dalka ku sugan. Waxaana lagu wada in labada maalmood ee uu socdo in laga soo saaro go’aamo ka dhana xaga garsoorka iyo cadaalada.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa wax laga yaq yaqsoodo ku tilmaamay xaalada uu ku sugan yahay garooska Somaliland iyo marxalada uu maraayo, waxaanu dhawaaq gaadhsiiyey beesha caalamka iyo wadamada daneeya jiritaanka Somaliland, isaga oo ka dalbaday in wixii shirkaas ka soo baxo ee ku saabsan garsoorka iyo cadaalada kaalin weyn laga gaysto. Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Garsooka iyo cadaaladu waa laf dhabarta nolasha umada iyo dawladnimada wanaagsa, waana udub dhexaadka diinteena, hadii ay qaloocato wax waliba wuu inaga qaloocanayaa. In kastoo aan hubo in hawl wadeenada garsooka iyo cadaaladu ku soo shaqeeyeen duruufo adag, isla markaana ay kaalin adag ka soo qaateen dhismaha dawladanimada Somaliland, hadana waxaan la qarin karayn saluugna ka jiraa garsookeena oo gaadhsiisan xaalada laga damqado. Sida aan xogta ku hayo wuxuu u baahan yahay gurmad aqooneed iyo garasho xirfadeed, waana ta keentay in aan shirkan ku baaqao. Aniga oo maanka ku haya in cadaaladu tahay wax ugu mudan ee ay umada naga sugayso wax ka qabashadeeda, sidaas daraadeed mudadii yarad ee aanu xilka haynay si aanu xogogaal ugu noqono xaalada dhabta ah ee gorsoorka iyo cabashada dadweynaha waxaan kulamo kala duwan la yeeshay guddiga cadaalada  qaranka iyo madaxda hay’addaha ku hawlan garsoorka. Waxaanan ka dhagaystay warbixino mug leh oo ay ka soo uruuriyeen dalka, hadii ay tahay maxkamadaha, booliska iyo xabsiyada guud ahaan. Taas waxaa garab socotay baadhis iyo daraasad uu ku sameeyey xafiiskaygu, taas oo ay ka soo sheegeen caqabadaha garsooka, nolosha xabsiyada, maxaabiista iyo inta ugu nugul inay helaan cadaalada. Warbixintaas waxaa ka soo baxay xog la yaab leh oo aad iyo aad u taabatay shucuurtayda. Maan filayn inay cadaalad daro intaas leegi ka jirto Somaliland gudaheeda.

 

Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo la hadlaayey masuuliyiinta shirkaas qaban qaabadiisa lahayd ayaa sheegay in loo baahan sidii loo darsi lahaa qodobada ka soo baxa shirka, isla markaana looga baahan yahay sida uu sheegay helitaanka xal waara oo lagaga baxo cadaalada darida dalka ka jirta, waxanau yidhi “Shirkan waxaa hortaala su’aal culus oo ah inaad daristaan meelaha garsoorka iyo cadaalada dalku ka qaloocan yihiin, kana talisaan sidii loo heli lahaa xal waara oo lagaga baxo cadaalada daridaas, hadii ay noqon lahayd dhismaha haya’ddaha garsoorka iyo cadaalada, hadii ay tahay qabyada ku jirta xeerarka, ku dhaqanka garsoorka iyo maxkamadaha, qiimaynta garsoorka iyo garsooraha iyo qiimaynta nolasha xabsiyada. Waxaa muhiim ah in la helo nidaam horumarsan oo lagula xisaabtamo adeegayaasha sharciga, sida garsoorayaasha, xeer ilaalinta, fulinta, asluubta iyo cid kasta oo hawl bulshada u haysa. Sidaas daraadeed waa inuu kulankani noqdo mid ka baaraan daga duruufahooda garsoor iyo hanaanka sharci ee daryeeli lahaa. Mudanayaal iyo marwooyin waxaynu doonaynaa inay Somaliland noqoto qaran ay ka hana qaado sharciga iyo cadaalad la mahadiyo. Saaxibada Somaliland ee beesha caalamka, dawladaha deeq bixiyaasha iyo hay’addaha caalamiga ah ee naga caawiya hawlaha la xidhiidha garsoorka cadaaladda iyo nabad galadda waxaanu ka codsanaynaa inay kaalmada ay ku bixinayaan hawlaha inay ku jiheeyaan meel marinta ka soo baxda qorshaha xukumada ee lagu hagaajinaayo garsoorka iyo cadaaladda Somaliland”.

 

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay wasiirkii hore ee cadaaladda iyo garsoorka, waxaanu sheegay in dalka ay ka jirtay cadaalad xumo, isla markaana laga maarmi waayey in xalkeeda loo daayo madaxweynaha Somaliland, kaas oo markii danbe sida uu sheegay u saaray guddiga qaran oo ka soo baaran dagta sidii looga bixi lahaa cadaalada darada iyo garsoorka xumaaday sidii looga bixi lahaa.

 

Sidoo kale gudoomiyaha maxkmada sare iyo xeer ilaahaya qaranka ayaa dhankooda sheegay in madaxweynaha marti looga yahay sidii loo dhisi lahaa nidaam sax ah oo lagaga gudbo cabashada ka taagan cadaaladda iyo garsoorka ee ka jirta gobolada iyo degmooyinka dalka.