Wasiirka Cusub Ee Cadalada Oo Ka Hadlay Wasaaradda Loo Bedelay

0
763

 

cadaaladaHargeysa(Geeska)-Wasiirkii cusub ee cadaaladda iyo garsoorka Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid ayaa markii ugu horaysay ka war bixiyey sida uu u arko xilka cusub ee loo magacaabay dhawaan iyo qaabka loo hagaajin karo cadaaladd darada ka jirta gudaha dalka.

Wasiir Xuseen Axmed Caydiid oo shalay u waramaayey Geeska Afrika ayaanu ugu horayn waydiinay sida wuu u arko wasaarada cusub ee shawaan xilkeeda loo magacaabay, in kastoo aanu wali xilkaas la wareegin, waxaanu noogu jawaabay “Waxaan u arkaa inay tahay shaqo dawladeed oo markii aan meel kaga jiray imikana meel meeshii la mida aan ka galay, waxaanay ila tahay iskugay mid kolba meeshii qaranka aan uga shaqeeyo. Madaxweynaha ayaana madax ah golaha wasiirada oo hogaaminaaya. Markaa kolba cidii uu u arko inay ku haboontahay hadba sida uu u arko u dhigo. Marka aad isku eegto labada wasaaradood malaha tan hada la ii magacaabay ayaad moodaa inaan aqoonteeda leeyahay. In kastoo qof kasta oo halkaas (Cadaalada) waxa laga filayaa uu aad u badan yahay, oo wasaarada iyo garsoorku ahaan lahaa labada hay’addood oo runtii ahaan lahayd inay noqdaan laba hay’addood oo kala madax banaan, markaa waxaan is leeyahay wax halaga qabto arrimaha cadaalada iyo garsoorka ayaa keentay in badalkan.

 

Maxaad is leedahay dhanka cadaalada iyo garsoorka waa laga qaban karaa wakhtiga dhaw ee soo socda?

 

Sidaan is leeyahay gorsoorku dhibaatada uu qabo waxaa ka mida madax banaanidii gorsoorku heli lahaa oo dastuurku dhana ku siiyey ayuu hadana dhinacyo kaaga qaaday. Waxa kale oo jira waxyaabo badan oo garsoorka damaanad u noqon lahaa garsoorayaasha oo ka maqan. Tusaale ahaan ninka garsooraha ahi haddii aanu muddo xileed lahayn, oo haddii inta maanta la magacaabo isla barina la badali karaayo u arki karaayo, isla markaana aanay u muuqan xuquuq badan oo uu meesha ku yaalano una muuqaan, taasi waxay ila tahay niyad samidii wuu ku shaqayn lahaa garsooruhu inuu dhaawacan yahay, kol hafdii uu u joogo wakhti kasta qof la eryi karo iyo karaamo la’aan joogto ah, waana dhibka ugu wayn ee haysta garsoorka dalka.

 

Runtii dhibaayooyin badan oo aan anigu dareesanahay inay jiraan haddii wax laga qabto oo kalsoonida shaqo iyo madaxbaanida garsoorka oo sida wax lagaga qabtaana ay tahay mid laga filaayo inuu ka soo baxo shir waynaha loo qabtay cadaaladda iyo garsoorka.

 

Hadii aynu ku laabano wasaaraddii hore ee aad joogtay ee wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta, hawlo badan ayaad gacanta ku haysa oo mashaariic kala duwan leh, xaalkoodu sidee ayuu kuula muuqdaa?

 

Waa run oo waxaan gacanta ku hayey hawlo badan, waxaan tagay wasaaradd runtii naafo ah oo waaxaheeda oo dhami magac mooyaane hawlaheedu ay maqan yihiin. Runtii waxaan ku dadaalnay in aanu dib iskugu soo yab yabno oo hawshii wasaaradda dib u soo noolayno. Siyaasaddii gaadiidka golaha wasiiradu way ansixiyeen, taas oo noolayn u ah waaxda gaadiidka oo dib loo habeeyo kaalinti shiidaalka iyo dib u habyntooda. Waxa kale oo aanu wadnay sidi ay wasaaradda kaalinteeda uga qaadan lahayd dhismayaasha dawlada loo dhisaayo, haddii ay tahay qiimaynta, nashqadaynta iyo kormeerka guud. Wixii nashqado iyo dhismaha magaalada ah xeerku wuxuu siinayaa wasaaradda, wixii fulin ah waxaa iska leh dawlada hoose sid xeerku dhigaayo, markaa kuwaas iyo kuwo kale ayaanu gacanta ku haynay, waxaana wasaaradda hadda u bilaabi doonta mashiiric ay ka mid yihiin dhanka gaadiidka iyo saddex xarumood oo gobolada laga samayn doono. Waana mashaariic uu dhamaantood la kawsan doono wasiirka cusub, iyada oo isgana looga baahan yahay inuu halkaas ka sii wado.

 

Wasiir waxaa jirtay isku shaandhayn uu sameeyey madaxweynuhu, marna ma filaysay in kooxda isku shaandhaynta lagu raacin doono?

 

Walaahi taasi waa iska caadi sida ay ila tahay oo nina shaqada ma laha oo golaha wasiirada waxa wuxu leeyahay gudoomiye oo madaxweynaha ayaa gudoomiye u ah, habeen walba inuu shaxda dhigo oo qofka meesha uu ku wanaagsan yahay inuu eego waa masuuliyada madaxweynaha. Lagula yaabi maayo markaa inuu isku shaandhayn sameeyo. Markaa aniga waxay ila tahay inay ka mid tahay sunnaha dawlanimo oo ah inuu ninku maalinba xafiis joogo.