Kalfadhigii Golaha Wakiilada Oo Maanta Furmaya Iyo Dareenada Ku Xeeran

0
682

Picture5Hargeysa(Geeska)-Fadhiga golaha wakiilada Somaliland ayaa la filayaa inuu maanta si rasmi ah u furmo, ka dib markii fadhigii golahaasi uu baaqday kalfadhigii aan caadiga ahayn oo lagu doonayay in lagu ansixiyo guddiga doorashada qaranka.

Fadhigaas ayaa baaqday ka dib markii ay xildhibaanada muxaafidka ah ee KULMIYE ka soo xaadiri waayeen fadhigii, iyagoo guddoomiyaha golaha wakiilada ugu baaqay inuu marka hore ka hadlo xeerka diiwaangelinta oo ay ku eedeeyeen inuu wax ka bedel ku sameeyay markii uu golaha guurtida u gudbiyay, isagoo guddoomiyuhuna beeniyay eedaymaha loo jeediyay.

Tan iyo wixii baaqashada fadhigaas aan caadiga ahayn ka dambeeyayna waxa ay labada dhinac warbaahinta isu mariyeen hadalo kulkulul oo saamayn ku yeeshay wadanka. Si kastaba ha ahaate fadhiga maanta ayay shacabka Somaliland isha ku hayaan jawiga uu ku furmo iyo inay xildhibaanada muxaafidku fadhiga maanta ka maqnaan doonaan iyo inay ka soo xaadiri doonaan. Waxaana la filayaa in la horkeeno golaha guddiga doorashooyinka ee cusub, iyadoo uu guddigii horena wakhtigu ka dhammaaday.